Xisbiga Waddani Muxuu Ka Yidhi Guriga Xukumaddu Siisay Musharrax Cabdiraxmaan Cirro?

0
3 views

Hargeysa(Sayruuq) Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka jawaabay hadal dhawaan Maxamed Kaahin Axmed guddoomiye xigeenka 1-aad ee Kulmiye sheegay oo ah in musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo musharrax Faysal Cali Waraabe dawladdu guryo u dhistay laakiin, aanu isaga oo mujaahid ahi lahayn guri. Xisbiga ayaan beenin guriga loo dhisay musharrax Cirro.

Aadan Cilmi Dhoolayare oo xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland haddana ka tirsan xisbiga Waddani ayaa sheegay in Maxamed Kaahin xaqiiqada ka baydhay islamarkaana u kala eexday saddexda Musharrax “Guddoomiye xigeenka Kulmiye mudane Maxamed Kaahin maalin dhawayd oo uu warbaahinta la hadlayay wuu cawday oo wuxuu yidhi ‘anigu guri ma lihi’ laakiin, waxa uu soo qaatay labada guddoomiye ee Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo uu sheegay in labaduba leeyihiin aqallo ay dawladdu siisay,” Sidaas ayuu yidhi Mr Dhoollayare.

Waxa uu intaasi raaciyay in aanu caddaaladda waafaqin Mujaahid Maxamed Kaahin, islamarkaana uu qariyay guryaha badan ee dawladdu siisay musharraxiisa Muuse Biixi “Horta haddii uu caddaalad ka hadlayo waxa uu u horaysiin laha guddoomiyihiisa. Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waa guddoomiyaha ugu aqallada badan guddoomiyeyaasha ee tijaarta la mid ah. Waxa ay ahayd in uu sheego oo yidhaa ‘guddoomiyahayguna aqal wuu leeyahay’ waliba aqallada ugu waaweyn oo Madaxtooyada xata ka weyn warbaahintuna way sawirtay oo way ogtahay, maalin dhawaydna waxaan arkayay guriga Cabdiraxmaan oo la soo sawiray,” Sidaas ayuu yidhi Mr Dhoollayare.

Waxa kale oo uu sheegay in uu Mujaahid Maxamed Kaahin xaq u leeyahay in guri la siiyo laakiin, ay ahayd in aanu u kala eexan saddexda musharrax ee dhammaantood guryaha la siiyay “Haddii(Maxamed Kaahin) Caddaalad iyo xaq ka hadlayo oo cabanayo waxay ahayd in uu horta guddoomiyihiisa ka bilaabo, in uu guddoomiye Saleebaan(Guddoomiyaha guurtida) ku daro, marka waxay ahayd in uu yidhaahdo guddoomiyeyaasha oo dhanna guryay leeyihiin aniga oo mujaahid ahna ma lihi, xaq baad u leedahay guri iyo wax ka badanba in lagu siiyo laakiin, waxa wanaagsan in aanad dhinac ka rarnaan marka aad warbaahinta wax ka sheegayso,” Sidaas ayuu yidhi Dhoolayare.

Maxamed Kaahin waxa uu dhawaan sheegay in isaga oo ka mid ahaa afartii sarkaal ee u hor tallaabay xilligii SNM-ta aanu lahayn guri laakiin, musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo musharrax Faysal Cali Waraabe guryo la siiyay. Waxaanu soo hadal qaadin in mujaahid Muuse Biixi guri la siiyay iyo in uu sidiisa bilaa guri yahay.

Hargeysa-Somaliland

Sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here