Xisbiga KULMIYE Oo Soo Celinta Hantida Dawladda Ku Macneeyey Sixitaan ay Ku Sameynayaan Waxyaabihii Hore Uga Kharribmay

0
572 views
Tartanka Dumaasha KULMIYE oo Sii Adkaanaya

Xisbiga KULMIYE Oo Soo Celinta Hantida Dawladda Ku Macneeyey Sixitaan ay Ku Sameynayaan Waxyaabihii Hore Uga Kharribmay

“Waxa Aan Anagu Kharribnay Ee KULMIYE Kharribay, Waa In KULMIYE Dib-U-Saxaa, Waana Aanu Aqoonsanahay In Wax Naga Xumaadeen, Wixii Naga Xumaadey In Aanu Saxno na Anaga Ayaa Na Laga Sugayaa.”. Jaamac Shabeel

Hargeysa(Sayruuq):-Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE, ayaa markii ugu horreysay si gaara uga hadlay aragtidooda ku aaddan tallaabooyinkii dhinaca soo celinta hantida dawladda ee uu sameeyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana ay sheegeen in ay si aada ugu faraxsan yihiin tallaabooyinkaasi isla mar ahaantaana uu Xisbiga KULMIYE dib u saxayo waxyaabahii ka khaldamay wakhtiyaddii dawladdii hore ee Madaxweyne Siilaanyo.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Md.Jaamac Ismaaciil Cige(Jaamac Shabeel), ayaa sidan ku sheegay wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey Wargeyska Waaberi, waxaana uu cod dheer ku sheegay in ay ka Xisbi ahaan ogsoon yihiin in ay waxyaabo badan hore uga khaldameen isla mar ahaantaana ay Madaxweynaha ku taageersan yihiin in uu dib u saxo khaladaadkii uu hore u galay Xisbigoodu, waxa kale oo uu ka hadlay arrimo khuseeya xiisadda Tukaraq iyo weli ba sida oo kale dooda Xisbiga WADDANI ee Komishanka oo uu aad u durey.

“Arrintaasi waa arrin aad u wanaagsan, umaddu na aad iyo aad ugu faraxdey, waana tallaabada ugu horreysa ee wax ku oolka ah ee uu qaadey Madaxweyne Muuse tan iyo maalintii uu kursiga ku fadhiistay ma se dha-dhawa, waxa aan anagu kharibnay ee KULMIYE kharibay waa in KULMIYE dib u saxaa, waana aanu aqoonsanahay in wax naga xumaadeen, wixii naga xumaadey in aanu saxnona anaga ayaa na laga sugayaa, taana waan ku rejo weynahay in Madaxweynahu uu dhammeystiri doono, waxyaabaha hadhay, tan hore na aad iyo aad buu ugu helay sumcad oo taageero fiican uu kaga helay shacabka, si weyn baana ay dadku ugu farxeen Mucaarad iyo Muxaafad ba.”.Ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Wargeyska, ayaa sida oo kale guddoomiye Jaamac wax ka weydiiyey xil loogga magacaabay wasaaradda Maaliyadda oo wasiirka wasaaraddaasi uu u magacaabay La taliyaha dhinaca sharciga ee Wasiirka Maaliyadda, waxaana uu yidhi:- “La-taliyeyaashu way jiraan, oo mar baa jirtay ay UN-tu innoo soo jeedisay oo ay iyadu mushahaarooyinka siin jirtay, markaa waa horumar uun, waana tallaabo uu hore u qaadey wasiirka Maaliyaddu in uu isagu na uu La-taliye sameysto, laga ma na maarmo oo meel walba way joogaan la-taliyeyaashu.”.
Mudane Jaamac Ismaacil Cige oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu ka hadlay xiisadda Tukaraq oo uu sheegay in sababta ay hawshaasi u dhammaan la’ dahay ay tahay in weli qabyo ka jirto dhinaca fulinta heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland.
“Arrinta Tukaraq xalkeeda waxa aanu u aragnaa sidaas Madaxweynahu ba uu tobanka jeer ka sheegay Tv-yada, Somalia na waa Soomaaliya, Somalilad na waa Somaliland. Puntland na waa ay gar-daran tahay laakiin anagu xal u maragno in cunfi uu yimaado, waxa aanu u aragnaa in cunfigaas aanay wax faa’ido ahi ku jirin oo runi ay runteeda noqon doonto haddii Alle idmo, waxyaabaha yar yar ee ay ka fa’ideysanayaan imika ee dhaliilaha ah ee ay ka fa’ideysanayaan ee metelan dadka gobalka Sool ku dhaqan oo kale waa waxyaabo iska dhammaanaya oo had iyo jeer haddii lagu waayo dhibbaato iyo mushkilad lama waayo oo waa wax iska dhammaanaya inta keliya ee ay innoogu soo gabanayaana waa intaas, laakiin haddii arrintaa la dhammeeyo oo ay dhammaato arrintaa Khaatumo, waxa aan qabaa in albaabkaasi na uu xidhmi doono oo si nabad-gelyo ah aynu xadkeena ku tegi doono laakiin qabyadaa arrinta Khaatumo ee inagu taagani ayaa innoogu wacan in Puntland inaga fa’ideysato oo marba ay Maleeshiyaad inagu soo abaabusho oo wax aan jirin ay ka sheekayso.”. Ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Guddoomiyaha Golaha Dhaxe ee KULMIYE Mudane Jaamac Shabeel, waxa sida oo kale uu ka hadlay dooda Xisbiga WADDANI ee dhinaca Komishanka Doorashooyinka Somaliland, waxaana uu aad u dhaliilay habka Xisbigaasi uu u soo bandhigay doodiisa la xidhiidha dhinaca Komishanka isaga oo sheegay in ay tahay hab baal-marsan dhinaca shuruucda ee dalka.

“Horta waxa weeye Xisbigu marka uu Komishanka ka cabanaayo, shaciyadda Xisbigani ku fadhiyo ayuu Komishanku na ku fadhiyaa oo taas waa in ay oggaadaan marka hore oo maaha shaqaale meel la iska soo qortay oo ka tegaaya, xeer dhan bay lee yihiin, xeel baarlamaan bay ku dhisan yihiin Komishanku, waa xubno muddo leh sida Xisbiyada laftoodu ba ay wakhti u lee yihin ee tobbanka sanno ba mar loo qabanaayo doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka sida xeerku dhigaayo, saddexda Xisbi ee soo baxaayana shahaahada loo siinaayo oo kale ayey Komishanku na xeer u lee yihiin, sharciyadda wadanka in lagu dhaqmaana waa laga ma maarmaan. Haddii Eedo la iska soo jeediyo, wadanka waynu wada joognay, wixii dhacayna waa la isla og yahay, khuraafaadka meelahaa laga akhriyo umad lagu ma hoggaamiyo, qarana been looggu ma dhiso, wakhti bay doorashadu lee dahay, wakhtigaa ay Doorashadu taagan tahay Xisbi walba waxa uu dirtaa Muraaqibiin, Xisbi kastaa wuu joogaa goob sanduuq yaalo, sharcigaa na tilmaamaya sanaaduuqda waxa lagu kansal gareyn karo iyo waxa sanaaduuqdaasi ay ku ansaxayaan, sanaaduuqda ansaxda haddii codkooda lagaa badsado dee Komishanku eed kuma laha, haddey wax xumeeyeen waxa ay xumeeyeen ha lagu la arkee soo bandhig, maxkamado ayaa jira laga dacwoodo, dacwad Maxkamadda ha uga furtaan, haddii anagii ay lee yihiin waa ay idiin footeeyeen oo idinka waa ay idiin eexdeen oo waad qarineysaan dambiyaddii ay galeen dee Maxkamad baa jirta ee Maxkamadda ha geeyaan, qareeno ha qabsadaan, dembiga na ha lagu caddeeyo, waa la imbiij-gareynayaa markaa oo waa la kala dirayaa marka dembiga lagu caddeeyo, laakiin anigaa idhi meel na kama socoto oo dalku sharci buu lee yahay.”. Ayuu yidhi Jaamac Shabeel
Mudane Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:-“Doorashada na Xisbigu haddii uu iskaga joogayo iyaga ayey u taalaa, haddii ay gelayaana iyaga ayey u taalaa, dunida na way ka dhacdaa, dumuqraadiyadda na way ka dhacdaa Xisbi qaadaca Doorasho oo shalay baa u dambeysay oo Kenya ayey ahayd oo isbaheysigii u weynaa ee Mucaaradka wadankaas Raila Odinga waa kuwii qaadacay, doorasho loo joojiyeyna may jirin, waayo sharci baa la raacayaa, marka hore na waa ay dacweeyeen, natiijaddii hore ayeyna Maxkamadda ka dacweeyeen, Maxkamaddii baana Kansal gareysay natiijaddii hore, markay caddeymo keeneen ee ay soo dhigeen, laakiin wixii ay keeneen Maxkamaddu waxa ay ku qanacdey in xubnahan sare ee Komishanku in aanay dembigaa lahayn, waxaana ay Maxkamaddii amartay in Doorasho dambe la qabto, wuxu na waa jaran-jaro oo ciladdu halka ay ka dhacdaana waa goobaha oo waa sanduuqa, Sanduuqa na ma joogaan nimankan toddobada ah ee Komishanka sare, qorshe ayey xumeeyeen bay lee yihiin, dee qorshaha kala qeyb bay ahaayeen oo qorshaha markay dhigaayeen muu jirin qorshe ay gaar u dhigaayeen e’ saddexda Xisbi iyo iyaga oo Xisbi walba ay laba xubnood ka socdaan iyo iyaga oo toddobada xubnood ee Komishanka ah oo iyaga na ay laba lee yihiin Mucaaradku, marka intaas aad isku darto, qorshaha ay wada dhigeen, dee ma dadkii aad dirsatay baa wax qaldey oo aad dhaliishay mise intaas oo qof baad lahayd waa ay indho la’aayeen oo adiga kaa socdey oo qorshahan la dhigaayo aad lee dahay waxba kamay oggeyn, waa arrin aad iyo aad loo la yaabo runtii, waana ay dhacdaa oo waxbaa la kharibaa Doorashooyinka laakiin se inta caddeymo ku filan la soo ururiyo oo caddeymo Maxkamad la hor-geyn karo inta la soo urursado ayaa la geeyaa Maxkamadda oo shaqadan awooda u leh oo ah Maxkamadda sare, marka ay aragtana iyadaa u Kansal gareyn lahayd sidaas ay Maxkamadda Kiiniya ba u Kansal geysay doorashaddii Kenya.”.

Ugu dambeynti na Guddoomiye Jaamac Shabeel waxa uu talo u soo jeediyeye Xisbiga WADDANI isaga oo ugu baaqey in ay dib ugu soo noqdaan isla mar ahaantaana ay raacaan shuruucda dalka. “Reer WADDANI na waxa la gudboon, haddey hayaan caddeymo ku filan oo ay Maxkamadda horteeda ay kaga eedeyn karaan xubnaha Komishanka in ay Maxkamadda geeyaan haddii kale in ay iska daayaan mar-marsiiyadan aan meelna haysan ee bilaa sababta ah oo dalka sharci baa u yaala ee ay sharciga ixtiraamaan, haddey iskood iskaga deyanaaan doorashada oo ay lee yihiin Doorashada geli mayno, taas cidna ku qasbi kari mayso, laakiin doorashadu na waa ay soconeysaa, haddey hayaan ha dacweeyaan xubnahan Komishanka .”. Ayuu yidhi Jaamac Shabeel

Source: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.