Xisbiga Kulmiye Oo Beeniyay Hadalkii M. Saylici

0
346 views
Xisbiga Kulmiye Oo Beeniyay Hadalkii M. Saylici

Xisbiga Kulmiye Oo Beeniyay Hadalkii M. Saylici

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa sheegay in aanay jirin wax ku shubasho ah oo ka dhacday doorashadii 13 November lagu doortay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo kuxigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici.

Dhawaan ayaa madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici, Eng Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiyaha Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro ku kulmeen dood ah in nin kasta rumaysan yahay in codka ugu badan ee lagu shubtay kiisa yahay.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel oo telefishanka Bulsho Hargeysa kula hadlay maanta ayaa ku gacan saydhay hadalka Madaxweyne xigeenka “Hadalka madaxweyne ku xigeenka iyo hadalka Faysal Cali Waraabe ba waxay u celinayaan uun guddoomiyaha Waddani oo ay kaga dhegtay waa la igaga shubtay iyuun bay iyaguna la dhigayaan laakiin, wax lagu shubtay ma jirto,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Jaamac Shabeel.

Madaxweyne xigeenku wuxuu dhawaan sheegay in uu rumaysan yahay in codkiisii lagaga shubtay isaga oo si gaar ah u magac dhabay gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo. Sidoo kalena Eng Faysal wuxuu sheegay in codka ugu badan ee lagu shubtay yahay kiisii arrintaas oo abuurtay in dadku ku jaahwareero cidda ku shubatay maaddaama cid walba cabatay.

Geesta kale Jaamac Shabeel wuxuu sheegay in uu u sharraxan yahay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye. Kursigan madaxweyne Biixi ku fadhiyo waxa isna dhawaan sheegay in damac kaga jiro Cali Maxamed Warancadde.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here