“Xisbi Mucaarida Oo Yidhaahda Annagaa Helay Ee Waa Nalaga Shubtay Oo Dalka Burburiya Madaxweyne Axmed Siilaanyo Inta Uu Joogo Ka Yeeli Maayo,” Marwo Aamina-Weris

0
3 views

Hargeysa(Sayruuq) Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde ayaa waraysi ay bixisay diiradda ku saartay mawqifka Madaxweynaha ee doorashada Madaxtooyada oo astaysan 13-ka November. Waxay sheegtay in masuuliyadda Madaxweynaha saaran ka culus tahay tii soo wajahday markii 80-ka cod uu kaga tagay.

Marwo Aamina-weris oo waraysi siisay wargeyska dawladda ee Dawan waxay sheegtay in doorashada madaxweynaha ee soo socota muhiimad weyn ugu fadhido Qarannimada Somaliland “Masuuliyad culus oo kaga adag  xiligii uu 80ka cod kaga tagay doorashada ayaa saaran. Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu  qabto doorasho xor ah oo daah furan oo cid waliba ku qanacsan tahay, mana ogolaanayo wax carqaladeeya doorashadan,” Sidaas ayay tidhi Marwo Aamina.

Marwada koobaad waxay intaasi raacisay “Waxaannu  qabnaa shacabka Somaliland waa dad kii ganay iyo ka galaday kala og. Inuu si xor iyo  xalaal ah  Kulmiye ku helo  doorashada ayuu madaxweynuhu  jecel yahay, Kulmiye haddii laga helo oo xor iyo xalaal lagaga helana raali ayuu ku noqonayaa. xisbi mucaarida oo yidhaahda annagaa helay ee waa nalaga shubtay oo dalka burburiya madaxweyne Axmed Siilaanyo inta uu joogo ka yeeli maayo. Illaahay baynu baryaynaa inuu inala garab qabto doorashadan aynu si fiican oo xalaala u tartano.”

Mucaaradka Somaliland ayaa kalsooni darro weyn ka muujinaya doorashada soo socota. Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani musharraxiisa Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhawaan sheegay in loo baahan yahay in amarka ciidamada lagu wareejiyo guddida doorashada. Arrintan ayaa ka mid ah kalsooni darrada weyn ee jirta. Hore mucaaradku waxa uu meesha uga saaray kormeerayaasha maxalliga ah oo lagu shaambadeeyay Kulmiye. Waxay dad badan is waydiinayaan cidda dhexdhexaadka ah kadib markii xataa doodo loo qaban laha musharraxiinta looga shakiyay in dad dhinacsan qabanqaabiyeen.

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here