Xirsi Oo Ka Hadlay Khilaafka Doorashooyinka

0
Xirsi Oo Ka Hadlay Khilaafka Doorashooyinka

Xirsi Oo Ka Hadlay Khilaafka Doorashooyinka
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta guud ee xisbiga ee magaalada Hargeysa waxa uu faahfaahin ka bixiyay mawqifka xisbiga ee arrimaha doorashooyinka iyo sida looga gudbayo caqabadaha hor taaggan in ay qabsoomaan doorashooyinka Goleyaasha Degaanka Iyo Wakiillada.
Waxa uu sheegay in xisbiga WADDANI ogol yahay guud ahaan daneeyeyaasha Doorashooyinka in ay la fadhiistaan, islamarkaana kala hadlaan dhammaynta caqabadaha horyaalla doorashooyinka laakiin, cidna aanay ku qabsi Karin in Komishanku sii joogaan. Waxa uu sheegay in xisbiyadu kala madax bannaan yihiin aragti ahaan, islamar ahaantaana ay tahay in lagu wada shaqeeyo shuruucda dalka iyo wixii lagu heshiiyo maaddaama Somaliland ku shaqaynayso dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.

“Waxaanu leenahay Xisbiga talada haya iyo madaxweynaha oo ah qofka 1-aad ee xilka doorashadu saaran yahay, oo ah qofka 1-aad ee uu saaran yahay xilka ah in uu shuruucda dalka ilaaliyo oo aanu hoggaamiyaha Qaranka u aqoonsanahay, waxaanu leenahay adiga xilku ku saaran yahay, adiga iyo xisbigaagaba waxba idiin tari mayso in aad wax aan macno lahayn ku wareegtaan oo tidhaahdan ‘maantana far baan maydhi la’. Waxaanu leenahay haddii aad doorasho doonaysaan WADDANI doorasho ayuu diyaar u yahay, haddii aad wada hadal doonaysan iyo gole la isugu yimaaddo oo lagu gorfeeyana sidii uu horeba u yimid diyaar buu u yahay WADDANI,” Sidaas ayuu yidhi hoggaamiye Xirsi.

“WADDANI ceeb la’aan Guddida Doorashada wuu deedafeeyay oo wuxuu yidhi noo qaban maysaan doorasho, kuma kalsoonin waana mawqif xisbigani qaatay, cid ku khasbi karta oo odhanaysa ‘waar ninkii garta inoo qaadayay aniga wata oo waad ku khasban tahayna’ ma jirto. Adeer haddaad wadato anagu kuma qasbanin, cid nagu sandullaynaysa ma jirto, ama aynu wax isla garano oo isla aqoonsano oo danta iyo mustaqbalka dalka inaga oo ku salaynayna isla eegno ama dee la iskuma Qasbayo oo meeshu waa dimuquraadiyad iyo doorasho, waa wax inaga dhexeeya, waxaad gaar u leedahay awoodda fulinta iyada aan lafteeda looga baahnayn kalitalisnimo waxaad gaar u leedahay fulinta laakiin, doorashooyinku waa wax umadda ka dhexeeya, waa wax xisbiyadu ay yihiin cidda horjoogaha u ah laakiin, umadda iska leh waa xuquuq ay leeyihiin muwaadiniintu in qof walba six or ah oo xalaal ah codkiisa u dhiibto, haddii la isku qasbana xor iyo xalaal noqon maayo ee xaaraan ayuu noqonaya. Waxa dunida oo dhan ka hadasha marka doorasho laga hadlayo in ay xor tahay oo xalaal tahay, adeer ninka siidhiga inoo haya islamaynaan garan, haddii aynu shalay ku wada galnay maanta waan diiday oo waan deedafeeyay, ma daba socdo doorashadii hore iyo wixii ka soo baxay oo waaniga leh madaxweynihii ku soo baxay isaga hoggaamiyaha Qaranka waanan is barbar taagaya wixii Qarannimada ah laakiin doorashooyinka soo socda in Komishankani noo qabto mawqifkaas ayaanu ka taaggan nahay,” Sidaas ayuu yidhi Hoggaamiyaha WADDANI.
Hoggaamiyaha Waddani waxa uu sheegay in aanay suuro gal ahayn doorasho laba xisbi ah in ay dalka ka dhacdo “Waxaan leeyahay dalka ma hore ayaynu u wadna mise dib? Waxaad madaxweyne soo qortay oo aad doorashada ku gashay ‘Horaa loo soconaya’ dee waxa muuqata geerkii damba inoogu jire ee kii hore inooguma jiro ee haddii ay yihiin xisbiyo, dawlad iyo shacba aynu geerka hore gashano, doorashadii aynu sanadaha soo wadnay yaynaan maanta isku qabsanin,” Sidaas ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi.

Hoggaamiyaha WADDANI waxa uu intaasi raaciyay farriin ku saabsan muddo kordhinta oo uu u diray Golaha Guurtida “Waxaan leeyahay Golaha Guurtida oo ah labada gole kii sarreeyay oo Somaliland-na in badan ku soo caano maashay hannaanka doorashada iyo dimuqraadiyadda ee aynu muddada soo wadnay kordhiskiinu yaanu wax yeelin ee wax macquul ah oo aan dhaafsiisnayn sanadka haddii intayadii ku wada jirtay ee wax wada lahayn isla fahmi waynay wax aan dhaafsiisnayn sanadka 2019 yaan la dhaafin.”

Hoggaamiyaha Waddani waxa kale oo uu ka hadlay muwaadiniin xidhan “ Dimuqraadiyaddu ma doorashada oo kaliya? Waxa jira muwaadiniin xidhan waxaan leeyahay xorriyaddooda ha loo soo celiyo haddii aan dambi cad loo hayn, haddii dambi cad lagu hayana cidda xaqa u leh ha la hor geeyo. Muwaadiniinta hal abuurka ah ee dhallinyarada ah waxaanu leenahay madaxweyne in la curdin-dhadhiyo maaha, in aragtidooda iyo hal abuurkooda la buquujiyo maaha. Xaq bay u leeyihiin oo dastuurka u dammaanad qaaday in ay dareenkooda cabbiraan, haddii se uu qadaf galo ama qalad ku kaco wuxuu leeyahay dariiqo loo maro. Qof dambi galay difaaci mayno laakiin, waxaanu leenahay Siciid Maxamuud Gahayr iyo Cabdiraxmaan Abees iyo dadka la midka ah iyo qof kasta oo aan dariiqo sharci ah loo marin waxaanu leenahay ha laga daayo. Nidaamkii dimuqraadiyadda maaha, nidaamkii xuquuqal iisaanka ee aynu dastuurkeena ku qornay maaha ee aynu nidhi xuquuqda bani’aadamka ha la ilaaliyo waa arrin dhaawacaysa waxaanu leenahay kuwaana xorriyaddooda ha loo soo celiyo oo xuquuqdooda ha loo ilaaliyo xuquuqdooda dimuqraadiyadda,” Sidaas ayuu yidhi hoggaamiye Xirsi.
Ugu dambeyn hoggaamiyaha xisbiga WADDANI waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqay in aanay ku kala fogaan khilaafka xisbiyada, islamarkaana aanay ku dhega barjoobin weedhaha siyaasiyiintu saxaafadda isku mariso lana ilaaliyo midnimada guud iyo wada jirka Qarannimo ee Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.