“Xilka La Iga Qaadaya,” Xil Naasir Cali Shire

0
567 views
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Ka Horyimid Lacagta Ay Xukuumadu Ku Soo Rogtay Bedelaada Taarikada Cusub

“Xilka La Iga Qaadaya,” Xil Naasir Cali Shire
Hargeysa(Sayruuq) Guddoomiyaha guddida ilaalinta Hantida Qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiillada Somaliland mudane Naasir Cali Shire wuxuu sheegay in uu hayo xogo sheegaya in laga qaadayo hoggaaminta guddidaasi kadib markii uu dhawaan shaaciyay warbixin xambaarsan musuqmaasuq ay gaysatay xukumaddii hore.
Guddoomiyaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax ayaa dorraad raalli gelin siiyay shirkadda Dahabshiil oo warbixintu la xidhiidhisay arrimo musuqmaasuq kadib markii uu sheegay in ay ku qanceen caddaymo ay shirkaddu iskaga bari yeeshay musuqmaasuqa lagu eedeeyay laakiin, xildhibaan Naasir waxa uu ku dooday in aanu guddoomiyaha wakiilladu xaq u lahayn bixinta raalli gelintaas. Waxa kale oo uu sheegay in aanu ogayn waxa bedelay laba xildhibaan oo guddida ka mid ah kuwaas oo warbixinta saxeexay laakiin, raalli gelinta bixiyay.
Guddoomiyaha oo maanta la hadlay telefishanka Eryal waxa uu sheegay in uu hayo warar sheegaya in xilka laga tuurayo waxaanu ka gaabsaday cidda warkaasi uu ka helay in uu sheego “Inkasta oo imika magaalada lala wareegayo Naasir Xaaji Cali Shire guddida waa laga bedelaya laakiin, anigu waxaan u sheegaya bulshada Somaliland anigu waxaan soo maray guddidan iyo guddida dhaqaalaha, guddida dhaqaalahana xubin firfircoon ayaan ka ahaa waxaanan sheegaya in aan Qarankayga u shaqayn doono meel kasta oo aan tago,” Sidaas ayuu yidhi xildhibaanka oo diiday in uu sheego isha uu warkaasi ka helay.
Guddidan waxa hore u hoggaamiyay xildhibaan Obama oo xilli uu dardar ku hayay baadhitaan Musuqmaasuq oo xukumaddii Siilaanyo ahaa si lama filaan ah xilka guddida looga tuuray lamana oga in Xildhibaan Naasir Cali Shire mari doono jidkii Obama.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.