Xildhibaan Wasiirka Maaliyada Dastuur Jabin Ku Eedeyay

0
115 views
Xildhibaan Wasiirka Maaliyada Dastuur Jabin Ku Eedeyay

Xildhibaan Wasiirka Maaliyada Dastuur Jabin Ku Eedeyay
Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa wasiirka maaliyadda ku eedeeyay in uu jabiyay dastuurka. Wasiirka ayaa cashuur ku soo rogay shidaalka Somaliland ka soo gala meelaha aan ahayn Berbera. Waxa uu xildhibaanku sheegay in guud ahaan wixii cashuur ama takaalliif la kordhinayo uu golaha wakiilladu sharci ahaan u leeyahay sida ku cad dastuurka, islamarkaana aanu jirin xeer kale oo dastuurka ka hor imanaya oo wasiirka arrintaasi awood u siinaya.

“Saakadan aynu joogno warqad baa Warbaahinta taalla uu wasiirka maaliyaddu soo qoray oo uu yidhi qiimaha shidaalka Berbera imanaya sidiisii ayuu ahaanaya, qiimaha shidaallada kastamada kale ka soo degayana tankii lagu kordhiyay 75.32 Doollar waxay noqonaysa foostadii 3 doollar ayaa raacaya,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanka oo intaasi raaciyay in lacagta cashuurta ah ee la kordhiyay fuulayso dadweynaha, islamarkaana taabanayso nolosha dadka.

Shidaalka ugu badan oo ka yimaadda Itoobiya ayaa magaalada Balligubadle lagu cashuuri jiray iyada oo la sheegayo in aan ilaa shalay halkaasi lagu cashuurin shidaal markii wareegtada wasiirku soo baxday.
Halkan ka dhegayso doodda Xil Xuseen Axmed Caydiid ka jeediyay baarlamaanka
Xil. Xuseen Axmed Caydiid Oo Dhalliilay Wasiirrada Madaxweyne Biixi Xushay & Saami Qaybsiga

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.