Xildhibaan Sheegay In Masuul Somalia Ah Hargeysa Yimid

0
418 views
Xildhibaan Sheegay In Masuul Somalia Ah Hargeysa Yimid

Xildhibaan Sheegay In Masuul Somalia Ah Hargeysa Yimid

Xildhibaan Axmed Nuur oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland wuxuu sheegay in hay’ado Somaliland yimid uu hoggaaminayay masuul ka tirsan maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya taasna ay dhaawacayso hannaanka madax bannaanida Somaliland.

Mudanahan oo ka qayb qaadanayay dood siyaasadda dibadda iyo daakhiliga Somaliland ku saabsan wuxuu sheegay in hay’addaha masuulkaasi hoggaaminayay ku socdeen casuumadda wasaarad u muuqata in ay tahay tan caafimaadka.

Bishii May lixdeedii waxa (Hargeysa) yimid saddex hay’adood oo qiimaynayay sida maamul goboleedada (Somalia) uga shaqeeyaan caafimaadka, waxaana hor boodayay agaasimaha guud ee Jubbaland. Halkan (Hargeysa) ayay soo mareen Saaxil ayay ku socdeen agaasimaha Jubbaland iska muu iman ee casuumad ayuu ku yimid wasaaradeed

“Horta aan kala dayno dawlad madax bannaan baanu nahay oo Somaliland la yidhaahdo kamana mid nihin Soomaaliya hoostana aan ka noqono maamul goboleed, adeer taasi ma shaqaynayso.”

Xildhibaanku wuxuu dhalliilay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid jid khaldan ku socota oo aan la jaanqaadin isbedellada ka socda gobolka.

Halkan ka daawo Dooda Xildhibaan Axmed Nuur

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.