Xildhibaan Sheegay In 40 Oday Oo Sanaag Ka Yimid Laga Hor Taaggan Yahay Madaxweynaha

0
650 views
Xildhibaan Sheegay In 40 Oday Oo Sanaag Ka Yimid Laga Hor Taaggan Yahay Madaxweynaha

Xildhibaan Sheegay In 40 Oday Oo Sanaag Ka Yimid Laga Hor Taaggan Yahay Madaxweynaha

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah xildhibaannada Kulmiye ee golaha wakiillada kana soo jeeda Bariga gobolka Sanaag ayaa sheegay in wefti afartameeyo xubnood ah oo gobolka Sanaag cabasho dhanka xukumadda ah uga yimid loo diidan yahay in ay madaxweynaha la kulmaan.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in ay muddo joogaan weftigan laakiin, ay kulanka madaxweynaha ka hor taaggan yihiin dad dhibsanaya socdaalkooda oo aanu sheegin magacyadooda waxaanu ku baaqay in loo ogolaado la kulanka madaxweynaha si ay farriintooda u gaadhsiiyaan.

Weftigan oo arrimaha dhanka saamiga ah ka cabanaya ayuu ku tilmaamay wefti muhiim ah maaddaama odayaasha culayska leh oo wada socdaa doonayaan in ay madaxweynaha iska arkaan tabashadooda.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.