Xildhibaan Obama iyo Xoghayaha Waddani Oo Fagaare Dood Kulul Isku Waydaarsaday

“Dakhliga Guud Ee Togdheer Oo 0.8% Ah Halkay Gobolka Gayn Doontaa? 10 Sanno Kadib, Inanka Burco Jooga Hargeysa Ayuu U Soo Dhoofi Doona..,” Xoghaye Khadar

0
434
Xildhibaan Obama iyo Xoghayaha Waddani Oo Fagaare Dood Kulul Isku Waydaarsaday

Xildhibaan Obama iyo Xoghayaha Waddani Oo Fagaare Dood Kulul Isku Waydaarsaday
Hargeysa(Sayruuq) Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) iyo Xoghayaha xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi (Looge) ayaa weedho weerar iyo weerar celis ah isku dhaafsaday madal habeen hore lagu falanqaynayay miisaaniyadda Qaranka ee 2019. Xildhibaan Obama oo hadalka ku horeeyay ayaa tixraacayay dhalliil xoghayuhu hore ugu jeediyay miisaaniyadda siiba dakhliga uu soo xareeyo gobolka Togdheer oo uu sheegay in ay ku dhalliilan yihiin xildhibaannada laga soo doortay.

Xildhibaan Obama oo ka tirsan xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in ay meel hoose ka soo qaadeen miisaaniyadda Qaranka markii 2010 KULMIYE xilka kala wareegay xukuumaddii UDUB. Waxa uu difaacay miisaaniyadda iyo golaha wakiillada. Waxa uu sheegay in golaha wakiilladu ka madax bannaan yahay xukuumadda madaxweyne Biixi, islamarkaana doorkan ay miisaaniyadda ka reebeen lacago badan oo xukuumaddu wadatay.

Ugu horayn Xildhibaanku waxa uu dhalliisha wakiillada qayb ka siiyay xisbiga WADDANI “Dhalliisha xukuumadda iyo dawladda madaxweyne Muuse Biixi baa yeelanaya, dhalliisha Golaha Wakiilladana waxa yeelanaya hadba cidda xukunta. Xisbiga WADDANI 12 sannadood ayuu maamulayay Golaha Wakiillada, duuduubka aad maqashaan isaga bilaabay, guddoomiyahooda ayaa bilaabay,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Obama waxaanu xisbiga WADDANI boorriyay in mudaneyaashiisu diidaan wixii xisbigu diidan yahay.

Xoghayaha WADDANI ayaa hore u sheegay in gobolka Togdheer dakhliga uu soo xareeya ku siman yahay 1% waxaana arrintaas ka jawaabay xildhibaan Obama “Gobolka Togdheer, miisaaniyaddu ma gobolaysna wixii Hargeysa ugu jira miisaaniyadda ayaa Burco-na ugu jirta oo Ceerigaabo ugu jirta oo Sanaag ugu jirta oo Boorama ugu jirta, ma odhan kartid 2% baa Boorama ugu jira ama 1% ayaa ugu jirta, mashruucii ugu weynaa abid waxa laga fuliyay gobolka Togdheer iyo Ceerigaabo oo ah waddada aynu wada naqaan mashruuc ka weyn oo Somaliland laga fuliyay 27 sanno ma jirto laakiin, waxaan qiraya in wax badan dhimman yihiin laakiin, gobolka Togdheer in aad gaar ula baxdo waan ka soo horjeedna,” Sidaas ayuu yidhi xildhibaan Obama

Hase ahaatee xoghayaha xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Looge ayaa sheegay in aanu xildhibaanku fahmin arrinta uu ka hadlayo ee Togdheer oo ah dakhliga ay dalka soo galiso laakiin, aanu u jeedin waxyaabaha miisaaniyadda ugu jira “Marka aan ka hadlayay gobolka Togdheer anigu kama hadlayo Miisaaniyadda iyo sida barmaamijyada looga fulinayo waayo miisaaniyaddu ma caddaynayso, anigu dakhliga ayaan ka hadlay, dakhligana waxa sababa kaabeyaasha dhaqaale. Xildhibaanku isaga oo Togdheer laga soo doortay in uu ogyahay dakhliga ka imanaya gobolka Togdheer uu 0.8% yahay dakhliga guud yahay oo aanu su’aalo adadag iska waydiin golahana ka waydiin waxay macnaheedu tahay dadka sheegi doone laakiin, halkay gaynaysa gobolka 10 sanno kadib? Inanka Burco jooga Hargeysa ayuu u soo dhoofi doona waayo magaaladiisii iyo gobolkiisii kaabeyaal dhaqaale ma laha, wax-soo-saar ma laha, markaa kolka dalku wanaagsanaado gobol walba dhaqaalaha uu leeyahay ayaa lagu xisaabtami; anigu sinnaan la’aan ayaan ka hadlayay, sinnaan la’aanta ka jirta Burco iyo Hargeysa, sinnaan la’aanta ka jirta Burco iyo Berbera, cidda ay Burco soo dooratay ee ka hadli lahayd waa xildhibaan Obama waligii kama hadal,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayaha WADDANI.

Xoghayaha WADDANI waxa kale oo uu ka jawaabay dhalliisha Obama ee ah in golaha uu hoggaamin jiray guddoomiyaha WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro “Arrinta kale ee aan ka hadlaya waa baarlamaan sidee u shaqeeya? Inta badan waxa lagu celceliya guddoomiyaha WADDANI 12 sanno ayuu baarlamaanka guddoomiye ka ahaa, waa run laakiin, guddoomiyuhu wuxuu guddoomiya go’aanka goluhu gaadho, xildhibaannada ayaa doorta duuduub ha ugu codeeyaan ama yaanay ugu codayne habka ay ku shaqaynayaan iyo xeerka ay ku shaqaynayaan iyo sida ay u shaqaynayaan xildhibaannada ayaa doorta mar walbana majooratiga KULMIYE ayaa haystay sagaalkii sanno ee u dambeeyay wax aanu KULMIYE doonayn kamuu soo bixi karayn waa ogaydeen markii labada gole Guurtida lagu xareeyay ilaa guddoomiyaha (Cirro) ayaa la soo saaray oo haddana la ansixistay xaqiiqada taalana taa weeye,” ayuu yidhi Xoghaye Khadar.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.