Xildhibaan Nacnac Oo Kulmiye Iska Casilay

0
817

Hargeysa(Sayruuq) Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid golaha wakiillada Somaliland ayaa shaaciyay in uu iska casilay xisbiga talada haya ee Kulmiye, islamarkaana wixii uu cudud hayo ku biirinayo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Xildhibaanku waxa uu sidaasi u sheegay wariyayaasha oo uu kula hadlay duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa gaar ahaana waddada Balligubadle oo uu hormood ka ahaa dhismaheeda.

Adeerrayaal haddii aad taa xisbiga i waydiiseen waxaan ahaa xisbiga Kulmiye oo uur Kulmiye ayaa nala yidhaahda, markii aan imika arkay sansaankan uu u socdo waxaan leeyahay waan ka tagay

Xildhibaanku waxa uu intaasi raaciyay  Xisbiga Kulmiye waan ka tagay Waddani ayaanan ku biiraya dhawaan

Xildhibaan Nacnac ayaa lagu xasuusta barbar istaaggii Kulmiye xilligii doorashadii 2012 oo degaankiisu si xamaasad leh u taageersana ururkii dhacay ee Xaqsoor waxaanay u muuqata farriin kale oo uu bulshadiisa u diray xilligan haddii uu ka dhaqaajiyay xisbigiisii uu taageeraha ruuxiga ah u ahaa

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here