Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Xilka Laga Qaaday

0
551 views
Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Xilka Laga Qaaday

Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Xilka Laga Qaaday
Guddoomiyihii guddida Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Dabagalka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiillada Somaliland Naasir Cali Shire ayaa xilka laga qaaday.
Xildhibaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in guddoomiyaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax xilkaasi ka qaaday.
Xildhibaanku warbixin musuqmaasuq oo xukumaddii hore gashay ayuu dhawaan soo bandhigay waxaana arrintaasi ka dhalatay hadal hayn badan.
Guddoomiyaha wakiillada ayaa warbixinta ka raalli geliyay shirkadda Dahabshiil oo lala xidhiidhiyay musuqmaasuq laakiin, xildhibaan Naasir ayaa shalay ku dooday in aanu guddoomiye Baashe xaq u lahayn raalli gelintaas. sidoo kale wuxuu diiday xildhibaan hore u raalli geliyay Cali Marreexaan oo warbixintu musuqmaasuq ku eedaysay.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.