Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Sharraxay Sababta Uu Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Uga Tagayo

0
25 views

Hargeysa(Sayruuq) Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa xaqiijiyay in uu ka tagayo xisbiga Waddani, islamarkaana ku sii jeedo xisbiga talada haya ee Kulmiye. Go’aankiisa ayaa imanaya todobaado kadib markii xildhibaanka ay gobolka Saaxil ka soo wada jeedan ee Siciid Cilmi Rooble ka wareegay Waddani una digo rogtay Kulmiye.

Xildhibaanka oo magaalada Hargeysa kula hadlay saxaafadda ayaa dhalliilay hoggaanta Musharrax Cabdiraxmaan Cirro kuna dooday in uu hoggaaminta musharrax Muuse Biixi u arko mid ku haboon hoggaaminta dalka “Anigu ma eegin UCID, Kulmiye iyo Waddani, magacyada maan eegin ee waxaan eegay saddexda musharrax ee Qaranka hortaaggan, yaan isleeyahay way badbaadin karta Somaliland oo guul iyo riyadii Somaliland way gaadhsiin karta?,” Sidaas ayaa ka mid ahayd hadalka Xildhibaanka.

Xildhibaanka ayay warbaahinta waydiisay waxa kallifay musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo uu muddo ammaanayay in uu maanta dadweynaha yidhaahdo waxa ka fiican Musharrax Muuse Biixi waxaanu ku jawaabay “Horta siyaasaddu wax meel taaggan maaha, siyaasaddu duruufo gaar ah, wakhtiga iyo wax walba way la socota. Cabdiraxmaan Cirro waa nin saaxiibkay ah oo aanu muddo 20 sanno ah wada shaqaynaynay, marka waxaan eegaya yaan Somaliland ka saari kara dhibka oo citiraaf keeni kara. Muuse Biixi waa Waddani oo waa nin Qaranka u soo halgamay wuxuu u qalma in xilka loo dhiibo,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Naasir.

Xildhibaankan ka midka ahaa aasaasayaasha xisbiga UCID, kana soo baxay ayaa markii dambe raacay Musharrax Cirro iyo xisbigiisa waxaanu sheegay in ay tahay markii u horaysay ee uu caqligiisa iyo fikirkiisa kala wareego xisbi. Xilligan oo doorashadu foodda soo saartay ayaa waxa maalin walba la maqlaya siyaasiyiin is waydaaranaysa oo kuwaba xisbi ka baxayaan mid kalena galayaan.

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here