Xildhibaan Dheeg Oo Xaal Siiyay Xildhibaan Nacnac Iyo Jaamac Riyo

0
752 views
Xildhibaan Dheeg Oo Xaal Siiyay Xildhibaan Nacnac Iyo Jaamac Riyo

Xildhibaan Dheeg Oo Xaal Siiyay Xildhibaan Nacnac Iyo Jaamac Riyo

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa raalli gelin ka bixiyay hadal shalay ka soo baxay xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Ilkacase oo guurtida ka tirsan kaas oo difaacay wasiir Guri Barwaaqo oo ay isku beel yihiin raalli gelina ka bixiyay weedhaha gabaygiisa ku qoran sidoo kalena eedeeyay Xildhibaan Nacnac iyo xildhibaan Jaamac Riyo oo hore arrintan uga hadlay.

Xildhibaan Dheeg wuxuu sheegay in xalka xiisadda ka dhalatay buugga wasiir Guri Barwaaqo noqonayo in wasiirku bulshada la hadlo, islamarkaana sheego in uu khaldamay kana baxayo qoraannimada maaddaama gabayga xiisaddu ka dhalatay uu sheegay in ninkii tiriyay gabayaanimada lagaga saaray. Waxa kale oo uu sheegay in xildhibaanka u hadlay arrinta sii dhooqeeyay islamarkaana aanay jirin cid u jeedo gaar ah u leh wasiir Guri Barwaaqo, beeshiisa iyo madaxweyne Biixi intaba.

 

Xildhibaanka Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Ilkacase ayaa shalay si adag u maagay xildhibaan Jaamac Riyo iyo Xildhibaan Nacnac oo beesha Arab ka soo jeeda kuwaas oo dhawaan wasiirka ku dhalliilay weedhaha buuggiisa ku jira xilli baarlamaanka looga yeedhay wasiir Guri Barwaaqo. Mudanahan difaacay wasiirka ayaa sheegay in ay mudaneyaashani dano gaar ah ka lahaayeen maaddaama aanay ahayn beesha cabatay iyo midda laga cawday midnaba sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxa uu ku dheeraaday in sababta saxaafadda loogu soo celceliyay ee loo buunbuuniyay weedhaha buuggan ku jira ee sida kulul uga cadhaysiiyay haweenka gaar ahaana dumarka Ciidagale ay tahay dad dano siyaasadeed ka leh oo uu tilmaamay in qaarkood kursiga ka riixanayaan wasiir Guri Barwaaqo.

 

Wasiirka warfaafinta ayaa hore u sheegay in uu raalli gelinayo cid kasta oo dhibsatay weedhaha buugga ku jira oo uu sheegay in ujeedadiisu ahayd difaacidda haweenka waxaanu raalli gelinta gaadhsiiyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir inkasta oo aanay noqon mid arrinta damisa oo ay haweenku ku doodeen in aanay ku qancin.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here