Xildhibaan Dawladda Ingiriiska U Soo Jeediyay In Ay Wax Ka Bedesho Siyaasadeeda Ah In Caawimada Somaliland La Soo Mariyo Somalia

0
670 views
Xildhibaan Dawladda Ingiriiska U Soo Jeediyay In Ay Wax Ka Bedesho Siyaasadeeda Ah In Caawimada Somaliland La Soo Mariyo Somalia
Wasiirru dawle Harriet Baldwin

Xildhibaan Dawladda Ingiriiska U Soo Jeediyay In Ay Wax Ka Bedesho Siyaasadeeda Ah In Caawimada Somaliland La Soo Mariyo Somalia
London(Sayruuq) Xildhibaanno ka kooban dhammaan xisbiyada Ingiriiska oo taageera qaddiyadda citiraaf raadinta Somaliland ayaa shalay kulan la yeeshay wasiirru-dawlaha Ingiriiska u qaabilsan Afrika waxaanay kala hadleen sidii dawladda Ingiriisku gacan uga gaysan lahayd duufaanta ku dhufatay Somaliland iyo sidii ay siyaasadaheeda Somaliland ku wajahan wax uga bedeli lahayd.
Kulanka ayaa ka dhashay fadhi baarlamaanka Ingiriisku su’aalo ku waydiinayay wasiirrada oo Xildhibaan Zac Goldsmith ku waydiiyay su;aalaha ku saabsan Somaliland “Waxa Somaliland ku dhufatay duufaan burbur badan gaysatay taas oo waxyeelaysay hab nololeedkii,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanku.
Isaga oo sii hadlaya waxa uu waydiiyay wasiirru-dawlaha arrimaha dibadda Ingiriiska Harriet Baldwin in dawladda Ingiriisku wax ka bedel ku samaynayso siyaasadeeda Somaliland ku wajahan waxaanu yidhi “Somaliland waa dal horumar sameeyay oo dimuqraadi ah oo ku yaalla meel dhibaato badan. Waa maxmiyaddii hore ee Ingiriiska oo xidhiidh xooggan la leh Ingiriiska. Maaddaama oo aynaan si rasmi ah u aqoonsan Somaliland waxay deeqdeenu u sii marta Soomaaliya oo ay in badan Somaliland ka degan tahay marka dib ma u eegsaysaan siyaasaddaasi si caawimadeenu si toos ah ugu tagto Somaliland?
Hase ahaatee wasiir Harriet Baldwin waxay sheegtay in ay mudaneyaasha xisbiyada oo dhan ka tirsan ee Somaliland taageera kulan gaar ah la qaadanayso isla galinka dambe ee Arbacadii. Waxaanay kulanka kadib ku sheegtay boggeeda Twitter-ka in ay ka jawaabtay su’aalo laga waydiiyay Somaliland iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee Congo.
Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan mudaneyaasha u ololeeya Somaliland ayaa isna boggiisa Twitter-ka ku sheegay in ay wasiirru-dawlaha Khaarajiga Harriet Baldwin kala hadleen arrimo ku saabsan aqoonsiga Somaliland, arrin ku saabsan in Ingiriisku Hargeysa ka furto qunsuliyad, horumarka, ganacsiga ammaanka iyo xuquuqda haweenka.
Kulanka dhexmaray wasiirru dawle Harriet Baldwin iyo xildhibaannadan ka kooban xisbiyada oo dhan ee baarlamaanka Ingiriiska ah lagama helin xog ku saabsan jawaabaha ay bixisay wasiirru dawlaha.
Xildhibaannadan Somaliland taageera ayaa dhawaan yimid Somaliland, islamarkaana kala noqday macluumaad ay ku xoojinayeen doodahooda ay ku bandhigayaan fagaareyaasha.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.