Xil. Xuseen Axmed Caydiid Oo Dhalliilay Wasiirrada Madaxweyne Biixi Xushay & Saami Qaybsiga

0
600 views
Xil. Xuseen Axmed Caydiid Oo Dhalliilay Wasiirrada Madaxweyne Biixi Xushay & Saami Qaybsiga

Xil. Xuseen Axmed Caydiid Oo Dhalliilay Wasiirrada Madaxweyne Biixi Xushay & Saami Qaybsiga

Hargeysa(Sayruuq):-Xildhibbaan Xuseen Axmed Caydiid oo dhawaan loo dhaariyey golaha Wakiilada Somaliland sida oo kale na ka tirsan hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI, ayaa si adag u dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay in ay tahay Xukuumad aan ka dheeli-tirneyn dhanka saami-qeybsiga beelaha Somaliland isaga oo sida oo kale na farta ku godey xulashadii Madaxweynaha ee golahiisa Xukuumadda oo uu iyaga na ku sifeeyey in ay yihiin kuwo aan lahayn waayo-aragnimo dawladnimo dawladdeed.

Xildhibbaan Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sidan ku sheegay waraysi gaara oo uu siiyey Wargeyska Waaberi, waxaana uu ugu horreyn tilmaamay in Xukuumadda hada jirtaa aanay illaa hada ku guuleysan wax ka qabashada dhibbaatooyinka sicir-bararka iyo dagaalada soo noq-noqdey ee bariga Somaliland.

“Horta xaalado berigii doorashadii dhashay waa jiraan, qaar kale oo soo kordhay na waa jiraan. Waxaana lagu tartamaayey uun in Mashaakiladaa jira qolaba tidhaa anagaa wax ka qaban karna, dalka na anaga uun baa horumar gaadhsiin karna ayaa lagu tartamaayey. Markaa Xisbiyaddii aan soo bixin iyaga isweydiini kama taagna ee kuwii soo baxay uun baa ay isweydiintu tahay muxu ka qabtay waxaa taagan. Markaa aniga waxa ay ila tahay in mashaakilkii markaa jiray ee sicir-barar lahaa, hanti la lunsaday oo la la maqan yahay oo dee hantidii la lunsadey ee umadda ee meel walba laga la dhacay lahayd oo dee haddii cid soo celin kareyso ay soo celin kari lahayd iyo dhibbaatooyin kale oo soo kordhay oo kuwaa bariga ba ah ba ay ka mid yihiin oo markaa waxaan odhan karnaa weli mashaakiladdii baa siddii u taagan, qaar sii xumaanayaa na waa ay jiraan oo kuwaa bariga ee intaa ba taagan oo Xukuumaddaa KULMIYE gacanta ku haysay oo toddoba goor jabtay iyana waad arkeysaan oo xalkeedii lama gaadhin, marka hore na iyada uun baa wax u kala qoreysay, wixii loo kala qorey na cidd ku fulinaysaa iyada ayey ahayd, markaa halkaa na nabad laga ma gaadhin ee dhibaataddii, mashaakilkii iyo dilkii waa sii badanayaa uun.”.Ayuu yidhi Xusee Axmed Caydiid.

Siyaasi Xuseen A.Caydiid oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:- “Somalidu waxa ay hore u odhan jirtay qofka aad kabo ka tolaneysid kabahiisa ayaa la eegaa. Markaa Xukuumaddaasi koley ba markii uu Madaxweynahu ku dhawaaqey ba Kooxdii(Team) uu soo xushay dadkaa qiimeeyey oo in badan baa candhuuftoodii dib u liqdey, markaa halkaa waxa aan odhan karayaa haddii metelan cid sicir-bararka wax ka qaban kareysa ama Baanka iyo Maaliyadda ba ha noqotee, ama Madaxweynaha oo la yimaada ka go’naanshahii uu wax kaga qaban lahaa ba anigu waxa aan odhan lahaa umadda in badan baa ka sii carari lahayd oo sicir-bararka iyo wax ka qabashaddiisa inta aan la gaadhin ayaa waxa jira waxa la yidhaa saadaalin, oo dhibbaataddaa la doonayo in wax laga qabto ayaa marka hore waxa wax ka sii tarta ba saadaalinta dadka ee ah qofkaasi wax buu ka qaban karayaa iyo ciddaasi wax bay ka qaban kareysaa, waxaana aan qabaa taasi dawana may noqonin oo wax cirka isku sii shareera uun bay iyana noqotay illaa hada na mashaakilkii baa weli taagan.”.

Xildhibbaan Xuseen A. Caydiid, wuxu sida oo kale uu si weyn u dhaliilay xubnaha uu Madaxweynahu u xushay in ay hoggaamiyaan golahiisa Xukuumadda oo uu ku sifeeyey in ay yihiin kuwo aan hore u lahayn waayo-aragnimo dawladdeed isla mar ahaantaana aan laga fileyn wax ka qabashada dhibbaatooyinka dalka ka jira.

“Marka aad eegto kooxda uu Madaxweynahu u soo xulay Xukuumaddiisa oo ah Koox dhallinyaro ah oo aan waayo-aragnimo badan lahayn oo markaa Somaliland wax wada lahaanshiyaheeda wax ka tari lahaa oo saami-qeybsiga ay ka mid noqoneyso oo halkaas waxa aad moodaa in aanay umadda raali-gelinayn, Kooxda(Xukuumadda) waayo-aragnimaddeeda iyo wax laga fili karo, sida loo qeybiyey manaasibta ee wasaaradaha la iskugu kab kabay oo qaarna meel madhan loogga dhigay qaarna laba wasaaraddood oo an isba qaadi kareyn ayaa waxa aad moodaa in aanay ahayn siddii laga filaayey ba oo aad dee mooda ba in ay dhinac uun u dheelisan tahay oo taas lafteeda waxa aynu maqalnay isagoo Madaxweynahu leh waxaan u badinayaa dadkii aan i dooranee dhinacii kale ha isugaan balse aanay arrintu sidaas noqonin oo bahashu waxa ay ka raran tahay uun dhinacyaddii laga doortay Madaxweynaha, haddii sida wasaaradaha la iskugu kabay ee looggu sad buriyey ay tahay oo weli ba hada na loo sii tirinaayo in tii hore na ay u badsadeen dhinacyadaa Xukuumaddu ka dhisan tahay, markaa saami-qeybsi hagaagsani na ma uusan dhicin, wasaaradahii na qaar baa sidaas meel madhan looggu diiday oo wasaaradahii qaar oo aan waax qaadi karin baa waax keliya wasaarad laga dhigay, markaa iyana Waax wasaarad ha laga dhigo, laba wasaaraddood oo Xanaanada Xoolaha ah iyo Kalluumesiga ahna ha la isku daro dee wax isku dhigma maaha.”. Ayuu yidhi Xuseen A.Caydiid

Siyaasigu wuxu sida oo kale dhaliilay qaabkii uu Madaxweynahu u wajahay ka jawaabistii cabashadii Xisbiga WADDANI ka muujiyey Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo uu sheegay in uu u maray hab baal marsan sida ay jideynayaan shuruucda dalku.

“Xisbigu waa kii qaatay go’aan ah in kalsoonida laga la noqdo Komishanka Doorashooyinka, waana kii Madaxweynaha u gudbiyey, xeerku na wuxu ina lee yahay marka arrimaha imika laga ga cowdey oo kale ay soo baxaan Madaxweynahu guddi baadhiseed ayaa uu u saarayaa ayuu sheegayaa Xeerku. Markaa halkii Madaxweynaha laga filaayey in marka qoraalkasi soo gaadho oo dee dhowr iyo labbaatan arrimood oo si ballaadhan u dhacay baa qoraalkaas ku qornaa oo mid walba xeerkii tilmaamayey na uu ku hor qoran yahay, markaa marka sidaas oo kale cabasho u timaado ayaa xeerku wuxu sheegayaa hada na in Madaxweynahu uu guddi baadhiseed u saaro laakin se halkii uu arrintaa guddida u saari lahaa Madaxweynahu isaga ayaaba aad moodaa in uu Markhaati u noqdey, Komishankii na shaqo ayey ba qabteen oo xarumahoodii iyo kuwii gobaladii ba waa ay fureen oo Madaxweynahu na wuxu ku soo jawaabay doorasho xor iyo xalaal ah bay qabteen isaga ayaana uu u markhaati furay. Markaa dee Madaxweynaha caqligiisa iyo Markhaati furkiisa lama dooneynee waxa la doonaayey in Madaxweynahu uu ku go’aan qaato guddidaa baadhiseed waxa ay soo saarto sida xeerku tilmaamayo. Markaa Madaxweynaha waxa u furneyd in uu guddidaa baadhista ah diro oo dabaddeed na uu sugo waxa ay soo gudbiso.”. Ayuu yidhi Xuseen Caydiid

Ugu dambeyntii Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid, wuxu sida oo kale uu soo bandhigay in arrinta muranku ka taagan yahay ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland ay dhex-dhexaadnimo ahaan u soo galeen Akaademiyadda Nabadda ee Somaliland isla mar ahaantaana ay Madaxweynaha iyo Xisbigiisa KULMIYE ba ku qanceen in ay WADDANI ka wada hadlaan arrintaa muranku ka taagan yahay.

“Hada ba arrinkaa waxa guddi dhex-dhexaadin ahaaneed u gashay Akaademiyadda Nabadda Somaliland oo Xisbigii WADDANI waxa ay u keeneen in KULMIYE iyo Madaxweynahii ba ay oggol yihiin in arrintaa laga wada-hadlo. Markaa markii dambe na Xisbiga WADDANI wuxu ku celiyey in si loo wada-hadlo dee warbaahinta loo sheegaa in la oggolaaday in laga wada-hadlo arrinta Komishanka maadaama oo markii hore Madaxweynah, Madaxweyne ku xigeenka iyo mas’uuliyiin sare oo KULMIYE ahi ba ay si adag markii hore uga hadleen doodii WADDANI iyaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay, hada na guddidaa soo celisay in la isla eego erayaddii saxaafadda la siin lahaa in la isla eego, halkaas baana nooggu war dambeysay oo markii laba, saddex goor la isku celiyey oo aan moodayey ba in ay iska dhan tahay ba hawshu oo heshisku uu yahay uun qaabka loo qoraayo, waana halkii nooggu war dambeysay. Xisbiga WADDANI na wuxu taagan yahay in illaa inta laga wada-hadlaayo, guddi baadhiseed wax keenayso ama dee la is qancinaayo Mawqifkii Xisbigu waa halkisii un weli, qoladaa wax dhex-dhexaadinaysay na ay hadalkii meel dhigaan.”.Ayuu yidhi Xuseen A.Caydiid.

Source: Wargeyska Waaberi

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.