Xil Ugu Waxtarka Liitay Deegaanada Koonfurta Iyo Waqooyiga Haragasya Kuna Caanbay Dabadhilifaynta Maayarka Hargaysa

0
23

Xildhibaan mubarig cabdi faarax caateeye oo ku  magac dheer xil mubarig yare . xil mubarig yare waxaa  dhalay alayaraxmee  gaashanle sare cabdi faarax caateeye  oo ahaa runti nin taariikh wayen ku leh gayiga Somaliland . hadaba xil mubarig cabdi faarax   oy aad ugu hanwaynaaayen dhalinyarada ka soo jeeda deegaanada waqooyiga iyo koonfurta  hargaysa   maadaama ay codkooda siiyeen  kuna siiyeen in uu yahay wiil dhalinyara ah oo ay ka rajayanayeen in uu waxbadan ka badali doono deegaandii laga soo doortay kana qayeb qaadan doono shaqaalaysiinta dhalinyarada maadaama dawlada hoose sanad kaste laga shaqaalaysiiyo shaqaale gaadhayo 1000 shaqaale ah .

nasiib daro mubarig yare wali ma shaqaalaysiin  hal shaqaale ah mudadaa dheer ee uu joogay  golaha deegaanka oo laga joogo mudo ku dhaw afar sano , mubarig yare wuxuu caadaystay  in dhalinyarada shaqa doon ka ah  ku maaweelyo  balan qaadyo been ah  .

xil mubarig yare wuxuu hilmaamay shaqadii xildhibaanimo  ee ay ka sugayeen deeganadii soo doortay ,waxaanu ku bedeshay inuu noqdo shaqaale u shaqeeya maayirka caasimada hargaysa mudane cabdiraxmaan caydiid soltelco  una fuliya adeegyadiisa gaarka ah.

dhalinyarada waqoyyiga iyo koonfurta hargaysi waxay goaan midaysan ku gaadheen in xildhibaan mubarig yare  ka xayuubin doonaan xilka xildhibaanimo iyagoo u mari doona sifa sharciya , sida uu dhigayo sharciga dawladaha hoose uga yaala xildhibaanada xilkooda  gudan waaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here