Xiisadda U Dhexeysa Muqdisho Iyo Abu Dabay Oo Sii Kululaatay

0
532 views
Xiisadda U Dhexeysa Muqdisho Iyo Abu Dabay Oo Sii Kululaatay

Xiisadda U Dhexeysa Muqdisho Iyo Abu Dabay Oo Sii Kululaatay

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Imaaraadka tababarka ay siiyaan ay yihiin kuwa ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya oo hoostagga wasaaradda gaashaandhigga.

Wasiirka wuxuu sheegay ciidamadaasi maalmaha soo socda dowladda inay la soo wareegi doonto, gaar ahaan 12-ka April oo ku beegan xuska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraadka uga mahad celinayaan tababarka ay siiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagu tababaray xerada generaal Gordan.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo Bulshadda Soomaaliyeed ayaa dhawr jeer waxaa ay walaac ka muujiyeen ciidamada ay tababarto dowladda Imaaraadka carabta oo aan qaadan Amarka madaxda ciidamada Soomaalida laakiin ka amar-qaata dowladda Imaaraadka.

Hadalkan ayaa jawaab u ah markii Imaaraadku si kulul u cambaareeyay dawladda Somalia oo qabsatay lacag uu sheegay in loo waday ciidamada Imaaraadku tababaro iyo ciidamo ay mushahar siiyaan oo kuwa Soomaaliya ah.

Geesta kale Wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Baxrayn Khaalid Bin Axmed Khaliifa ayaa Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka abaal dhacayso dawladda Imaaraadka oo abaal badan u gashay kana soo taageertay wax ka qabashada ammaanka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo budhcad badeedda. Hadalkan ayaa u muuqda in xulufada Imaaraadka iyo Sucuudigu mar kale xukumadda Muqdisho geeska galin doonan.

Imaaraadka ayaa shalay sheegay in ay Soomaaliya mugdi ka soo saareen laakiin, ay ka abaal dhacday. Waxay sheegeen in diyaaraddooda lacagta siday ee Axaddii lagu qabsaday madaarka Muqdisho dadkii waday madaxa xabad lagaga qabtay, islamarkaana lagu xadugbay sharciga caalamiga ah iyo diblamaasiyadda dhaqankeeda.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.