Xiisadda Tukaraq Oo Waji Cusub Gashay

0
430 views
Xiisadda Tukaraq Oo Waji Cusub Gashay

Xiisadda Tukaraq Oo Waji Cusub Gashay

Wararka ka imanaya aagga Tukaraq ayaa sheegaya in subaxnimmadii saaka ciidamada qaranka Somaliland dhirbaaxo ku dhufteen koox rasaas ku soo tuurtuurtay fadhiisimida ciidanka ee Godqaboobe iyo Boocame u dhexeeya. Kooxda ayaa la sheegay in uu hoggaaminayay Faysal Falaalug oo ka soo jeeda bulshada gobolka Sool laakiin, ka shidaal qaata Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir ayaa sheegay in aanay jirin wax dagaal ah oo dhex maray ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland laakiin, rasaas ay soo rideen dhawr gaadhi ay ciidamada Somaliland jawaab ka bixiyeen, islamarkaana aanay jirin khasaare iyo maxaabiis la qabsaday sida uu u sheegay wariye Mahad Xasan Geelle oo Hadhwanaagnews ka tirsan.

Geesta kale Wariye Mawliid ismaaciil Haradigeed oo la xidhiidhay Faysal Falalug oo ah ninka wata kooxda rasaasta soo riday ayaa u sheegay in ciidamada maamulka Puntland uga fadhiisteen dagaalka uu soo qaaday, islamarkaana uu u arko in ay riwaayad metelayaan maamulka Puntland. Arrintan ayuu ka muujiyay cadho ku saabsan in aanay qolyaha reer Sool ee Puntland la safan isku halayn maamulka Puntland.

Wararka laga soo xigtay ayaa sheegaya in aanay ciidamada Puntland u sheegeen in aanay amar ku qabin wax dagaal ah oo ay xilligan ku soo qaadan ciidamada Somaliland ee fadhiya aagga Tukaraq waxaanay tani dhirbaaxo niyad jabin ah ku noqotay ninka kooxda watay iyo inta la dareenka ah.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.