Xiisad Ka Dhex Taaggan Wasiirrada & Xildhibaannada Awdal

0
413 views
Xiisad Ka Dhex Taaggan Wasiirrada & Xildhibaannada Awdal

Xiisad Ka Dhex Taaggan Wasiirrada & Xildhibaannada Awdal

Hargeysa(Sayruuq) Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa ganafka ku dhuftay hadal shalay ka soo yeedhay xildhibaannada gobollada galbeedka Somaliland oo ah in aanay gali doonin doorashada wakiillada haddii aan la sixin hannaanka saami qaybsiga.

Mudaneyaasha ayaa ku dacwoonayay in madaxweynuhu doonayo in doorashada wakiillada lagu galo xeerkii 2005 oo ku meel gaadh ahaa sidaas awgeedna aanay doorasho xeerkaas ku galayn hase ahaatee wasiir Seed ayaa sheegay in aanu jirinba soo jeedin caynkaas ah oo madaxweyne Biixi sameeyay mudaneyaashuna ay jaah wareerinayaan bulshada.

Wasiirkan reer Awdal ayaa mudaneyaasha duray kuna boorriyay in ay wixii dood ah golahooda ka dhex sheegaan laakiin aanay bulshada gobolka jaahwareer ku ridin.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.