Xeer Ciqaabeedka Kufsiga Ee Golaha Wakiilladu Ansixiyay Oo Waajibinaya 30 Oo Xadhig Ah

0
88 views
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa(Sayruuq) Golaha wakiillada Somaliland ayaa ansixiyay xeerka Kufsiga iyo xadgudubyada Jinsiga oo ka kooban 46 qodob. Waa markii u horeeyay ee Somaliland yeelato xeerkan oo ay muddo dabada ka riixayeen ururada ka shaqeeya xuquuqda haweenka. Waxa si weyn u soo dhaweeyay xeerkan ururada bulshada iyada oo saxaafadda duniduna si weyn uga warramayso.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in hadda uu soo kordhay kufsi wadareed iyo in la isku masabido kufsi aan dhicin. Waxa uu sheegay in ciqaabta ugu saraysa ee xeerku waajibinaya tahay 30 sanno oo xadhig ah qofka Kufsi lagu helo, islamarkaana uu meesha ka saarayo in kiisaska Kufsiga lagala baxo Maxkamaddaha iyada oo odayaal ka heshiinayaan, islamarkaana uu joojinayo dhaqanka ah in gabadha la siiyo ninkii kufsaday iyada oo ceeb laga ordayo.

Kufsigu sidiisaba xaaraan weeye; Diintana waa ku xaaraan sharcigana waa ku xaaraan, ciqaabtiisana waxa ugu badan 30 Sanno waana dambi adag oo la saamixi maayo. Waxaanu doonayna in xeerkan dhaqan galo waayo magaalooyinkii iyo dhalinyaradii ayuu kufsigu ku soo batay,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Baashe oo BBC-da la hadlay.

Waxa kale oo uu dambi xun ku tilmaamay in mararka qaar dumarku ku masabidaan rag kufsi iyada oo aan waxba loo gaysan “Hadda caadadaasi way soo badatay oo way ku jirta, waxa magaalada dhacda gabdho iska fuula gaadhi oo gaadhigii oo taagan inta ay fuulan yidhaahda ‘haddii aanad lacag I siin waxaan odhanaya wuu I kufsaday’ oo maxkamad la isla galo, marka kaasina waa dambi ka sii xun kufsiga in qof la masa bido oo isaga oo aan waxba samayn la yidhaahdu wuu I kufsaday,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.