Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Wada Hadladda Somaliland Iyo Somalia

0
479 views
Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Wada Hadladda Somaliland Iyo Somalia

Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Wada Hadladda Somaliland Iyo Somalia
Xasan Sheekh Oo Farmaajo Ugu Baaqay In La Joojiyo Waxyaabaha Kala Fogaynaya Somaliland Iyo Somalia

Hargeysa(Sayruuq)-Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya iyo dawladooduba ay ka garaabaan dhibaatadii shacabka Somaliland ka soo gaadhay dawladii Soomaaliya, waxaanu si da’dban ugu eedeeyay dawladda wakhtigan ee Farmaajo inay sii kala fogaysay Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo wakhtigii uu Madaxweynaha ahaa ku faanay inuu iska ilaalin jiray in la kala fogaado.

Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay magaalada Muqdisho oo loogu doortay guddoomiye urur siyaasadeed, wuxuu u soo jeediyay dawladda Soomaaliya iyo shacabkooda inay dawladnimada Soomaaliya keen Somaliland sidii ay shacabka Somaliland xorriyadoodii u geeyeen lixdankii.

Wuxuu Xasan Sheekh yidhi “Walaalaha waqooyiga ee keenay midnimada iyo walaaltinimada halkan u yimi ee isku biiray ee ay samaysantay Jamhuuriyadii 1960 jirtay waxay mudan yihiin in taariikhda lagu xuso wanaagaas iyo niyadsamida Soomaalinimada ah ee ay barigaas la yimaadeen, duruuftaasi waa ay isbadashay walaalahaasina waa ay maqan yihiin oo waxbay tabanayaan, magaca dawladnimada ayay wax ku tabanayaan, magaca dawladnimada in lagu dhibay oo wax looga biyay ayay tabanayaan waxa ila haboon dadka Soomaaliyeed dawlad iyo shacaba inaan walaalahaas garowshiiyana siino markeenana aan u gayno oo aan midnimadii,dawladnimadii iyo walaaltinimadii inaan qaadno oo aan agtooda gayno, waanan hubaa in aanay inagu soo celinayn, laakiin intaan aad uga fikirno sida si ugu fiican dhibkii dhacay iyo mushkiladii dhacday ee magaca dawladnimada loogu gaystay inaan garawshiyo buuxa ka bixino mustaqbalka soo socdan aan talo fiican iskaga ogaano.”

Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“In badan waanu ka soo shaqaynay heerar badna waanu soo gaadhsiinay laakiin hawshu waxay u baahantahay wakhti dheer iyo dedaal aad iyo aad u dheer, anagu barigii aanu joognay talada waxaanu go’aan ku gaadhnay mar walba waxa wanaagsan ee midnimada keeni kara inaan doono haddii ay nagu adkaatana in aanan uga darin meesha ay markaas taagan tahay oo aan la sii kala irdhoobin ee meesha ay taagan tahay lagu celceliyo.”
Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Colaadda Tukaraq

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.