“Xasan Sheekh Ayaa Ogaa Heshiiska Berbera,”Faysal

0
1,111 views

“Xasan Sheekh Ayaa Ogaa Heshiiska Berbera,”Faysal

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa xaqiijiyay in uu run yahay hadalka wasiirru-dawlaha Imaaraadka Anwar Maxamed Qarqaash ee ah in xukumaddii hore ee Soomaaliya ay is fahan ka gaadheen heshiiska dekedda Berbera. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo kala hadlay Xasan Sheekh Heshiiska, islamarkaana uu sheegay in aanu waxba ka qabin.

Wada hadalkii aanu 2013 Stanbul kula galnay dawladdii Xasan Sheekh waxaanu ku heshiinay in aan wixii horumar ah la siyaasadayn, iyada oo taas la tixraacayo New Deal-kii loo sameeyay Somalia waxa Somaliland loo sameeyay hannaan gaar ah oo loola macaamilo. Dekedda Berbera iyo DP World hadalkeedii markii uu yimid iyo waxa kulmay markii Madaxweyne Siilaanyo, Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle Jabuuti ku kulmeen, halkaas ayaa haddana lagu yidhi arrintii way socota oo dekeddii waa la balaadhinaya dabeedna wuxuu yidhi(Xasan Sheekh) waxba kama qabo,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal oo sheegay in isfahamka Imaaraadku sheegay kaas yahay.

Waxaanu wariyaha BBC-da ee Cabdirisaaq Catoosh oo arkhiyay warka wasiirru-dawlaha Imaaraadka ku eedeeyay in uu macnaha hadalka wasiirka bedelay kana dhigay in Soomaaliya heshiiska saxeexday.

Halkan ka daawo hadalka Eng Faysal Cali Waraabe

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.