Xasan Ciise Oo Qoraal Walaac Xambaarsan Soo Saaray

0
1,226 views
Xasan Ciise Oo Qoraal Walaac Xambaarsan Soo Saaray

Xasan Ciise Oo Qoraal Walaac Xambaarsan Soo Saaray

Madaxweyne xigeenkii u horeeyay ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlay heshiisyada Somaliland kula jirto dawladda Imaaraadka iyo xaaladda siyaasadeed ee Somaliland. Mujaahid Xasan oo aan baryahan badsan ka hadalka siyaasadda ayaa qoraalkiisa ciwaan uga dhigay ‘Laba eray, mid gaara iyo mid guud, Marxaladan iyo Somaliland’.

Waxa uu sheegay in Dr Cirro mucaaradayo heshiisyada Imaaraadka laakiin, haddii uu kursiga fadhiisan lahaa aanu heleen cid Somaliland u dhaanfa xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadka, halka Muuse-na ka mucaaradi lahaa. Waxa kale oo uu walaac ka muujiyay siyaasadda dimuqraadiyadda Somaliland oo uu ku sifeeyay mid majere khaldan raacday.

Qoraalka Xasan Ciise ayaa u dhigan sidan:-

  1. Ereyga gaarka ah ee marxaladan: Shaki igagama jiro laba arrimood.

Haddii uu Muuse maanta mucaarid ahaan lahaa, Cirro-na madaxweyne ahaan lahaa shaki igagama jiro in Muuse u Mucaaridi lahaa Cirro sida uu imika Cirro u Mucaaridayo Muuse iyo si ka daran.

Waxa kale oo aan shaki igaga jirin in haddii arrintu sidaas ahaan lahayd ( ileyn ma muuqdaan cid u bedeli laheyd sacuudiga iyo imaaraadkuye ) inuu Cirro saxeexi lahaa heshiisyada Imaaraadka ee uu imika ku canbaareynayo Muuse.

Waa halkii reer bariga fog ee boowe maxaa kuu baxay?! Waxa kuu baxay waa siyaasad ah bariga dhexe !

2.Ereyga guud: Nidaamka siyaasadeed ee dimooqaraadiyadda iyo xisbiyada badan waxaynu ka soo qaadanay reer galbeedka.

Ma xuma, oo cilmiga iyo xikmada waxa la ina faray inaynu meelkasta ka doonano. Tariikhda aduunkuna weligeedba waxay ahayd laga barayba laga badi.

Waxa se cadaana inaanu nidaamkani si fican u abaqaalmin waabeynu siganey ololoyaashii iyo labadii doorasho ee u danbeeyey.

Waxaad ku garaneysaa, colaada, ceyda iyo naceybka ay is weydarsanayaan taageerayaasha muxaafidka iyo mucaaridku.

Waxa la gaadhay, ayaan qabaa, wakhtigii aynu dib u eegis ku samayn lahayn nidaamkan aynu dibada kasoo qaadanay ee aynu qiimayn lahayn waxaynu ka faa’iidnay iyo wixii dhibaato ah ee uu inagu keenay, dabeetana xalka isweydiin laheyn.

Arintani cidkasta oo siyaasada danaynaysa wey khusaysaa, xukuumadana si gaara ayay u khuseysaa.

Xasan Ciise Jaamac

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.