Xasan Ciise Oo Ammaanay Dr Cirro & Eng Faysal

0
480 views
Xasan Ciise Oo Ammaanay Dr Cirro & Eng Faysal

Xasan Ciise Oo Ammaanay Dr Cirro & Eng Faysal
Hargeysa(Sayruuq) Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac ayaa ammaanay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Eng Faysal Cali Waraabe. Waxa uu sheegay in sida ay doorashadii sanadkii hore uga go’aan qaateen muujinayso in ay yihiin haldoor Somaliland haysato.

Xasan Ciise oo wariye Cali Jibriil Xirsi ku waraysanayay barmaamij taariikheed ayaa yidhi ” Fursadan ayaan doonayaa qodob hore iigu seegay oo ah in aan si buuxda u tahniyadeeyo kuna hanbalyeeyo Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe , waayo dhibaato kasta oo doorashadii ugu danbeysay ka dhacday hadana hayara cawdaan into hore xaq ayey u lahaayeen wixii ay ka cabanayaan inay ka cawdaan oo wixii dhibaato ay sheegayaan ay sheegaan laakiin, inay aakhirkii natiijada doorashada ogolaadaan ay si nabadgalyo ahna go,aamiyeen in wixii dhibaato ah loo xaliyo aad iyo aad ayaan ugu hanbalyeynayaa. Waxaan hore u idhi iminkana aan si furan u odhanayaa Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo kale shaqsiyaadka ay Somaliland ku nasiibka badan tahay ayay ka mid yahiin , Odeynimo , Waayeelnimo , iyo Gobonimo ayey Muujiyeen dhibaatooyin macnaheedu maaha ma jiro waa wax la xalin karo si nabadgelyo ah lagu xaliyo dariiqaas ayey mareen waana aan hanbalyeynayaa.”

Source: Geeska Africa
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.