“Xanaftii Doorashada Waa Inaynu Xalay-dhalay Ka Noqono,” Xaashi

0
521 views
“Xanaftii Doorashada Waa Inaynu Xalay-dhalay Ka Noqono,” Xaashi

“Xanaftii Doorashada Waa Inaynu Xalay-dhalay Ka Noqono,” Xaashi

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa xidhiidh ka dhexaysiiyay colaadda ka taagan degmada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag iyo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee bulshada Somaliland. Waxa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in xurguftii doorashada la iska saamaxo kadibna nabada la raadiyo.

Madaxweyne Biixi ayaa inta badan lagu dhalliila in aanu waxba ka qaban midaynta bulshada Somaliland oo si weyn ugu kala qaybsantay doorashadii madaxtooyada laakiin, colaaddan oo ku sal leh dhacdooyin ka horeeyay doorashada lama oga sababta Mr Xaashi ula xidhiidhiyay xalkeeda in doorashada la iska cafiyo

“Waxa loo baahan yahay xanaftii doorashada inaynu ilawno oo xalay-dhalay ka noqono ,gacmahana is qabsano,colaadaas maanta barri ka aloosan waxaan aaminsanahay oo aan la qabaa waxgaradkii halkan ka yidhi hadal kaliya kuma filna ee waa in aynu dhamaanteenba u kacno oo hawshaas inaynu galno ayaa inala gudboon,dadkaasina waxaan marlabaad ugu celinayaa inay dagaalka joojiyaan,dagaalkaasi nabar xun ayuu inagu noqday dhibaatay ku tahay dalkaa dhismay ee walaalaha ah inaynu soo afjarno ayaa lagama maarmaan ah.

Xisbiyada mucaaridka ah iyo waxgaradka guud ee dalka waxa waajib ku ah inay madaxwaynaha kala kaaliyaan nabad gelyada iyo horumarka guud ee dalka,” Sidaas ayuu boggiisa facebook ku qoray Mr Xaashi oo shalay munaasibad dhaqan ka qayb galay.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu dhalliilay baaq nabadeed oo uu u diray bulshada ehelka ah ee dagaalku dhexmaray waxaana la sheegay in looga baahna amarro iyo tallaabooyin uu ka qaado beelaha dhawrka jeer wacadka jabiyay oo colaaddoodu wajiyo cusub yeelan karto.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.