Xaglotoosiye Oo Hargeysa Ku Soo Laabtay

0
1,411 views
Xaglotoosiye Oo Hargeysa Ku Soo Laabtay

Xaglotoosiye Oo Hargeysa Ku Soo Laabtay

Hargeysa(Sayruuq) Wasiirkii caafimaadka xukumaddii Siilaanyo Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) ayaa ku soo laabtay magaalada Hargeysa kadib muddo uu ku maqna waddanka Imaaraadka.

Dr Xaglotoosiye ayaa intii xukumadda madaxweyne Muuse talada haysay dhawr goor dhalliilo culus u jeediyay isaga oo dalka jooga iyo inta uu ka maqnaaba waxaanu taas u arkay madaxweyne Biixi in Dr Xaglotoosiye oo Kulmiye ahaa noqday nin mucaarad ah.

Lama oga qorshihiisa soo laabshada Xaglotoosiye iyo in ay xidhiidh la leedahay qalalaasaha ka taaggan Bariga Somaliland maaddaama uu saamayn ku leeyahay siyaasadda gobolka Sool.

Wariyeyaasha madaxtooyada Somaliland ayaa baraha bulshada ku faafiyay sawir ay maanta la galeen Dr Xaglotoosiye.

Xaglotoosiye Oo Hargeysa Ku Soo Laabtay

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.