Xafiiska Nicholas Haysom Muxuu Somaliland Ka Aamminsan Yahay?

0
247 views
Xafiiska Nicholas Haysom Muxuu Somaliland Ka Aamminsan Yahay?

Xafiiska Nicholas Haysom Muxuu Somaliland Ka Aamminsan Yahay?
Bogga Twitter-ka ee xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ayaa maanta lagu qoray qoraal deel qaaf ku ah Somaliland. Qoraalka ayaa lagu sheegay in wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somalia Mr Nicholas Haysom gaadhay magaalada Waqooyiga ku taalla ee Hargeysa.

Hadalkan ayaa macno ahaan ka dhigan in xafiisku magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland u arko magaalo ka mid ah Soomaaliya oo Waqooyiga ku taalla laakiin, waxa qoraalka la masaxay markii bulshada Somaliland baraha bulshada kaga dareen celisay aragtida xafiiska UNSOM.
Qoraalka la bedelay ayaa u dhigna sidan
Xafiiska Nicholas Haysom Muxuu Somaliland Ka Aamminsan Yahay?
Hase ahaatee qoraalka ayaa meesha laga saaray laguna bedelay qoraal afsoomaali ku qoran siiba lahjada Xamar oo u dhigan sidan:-
“Ergayga @UN Nicholas Haysom oo saaka gaaray #Hargeysa, ayaa la kulmay madaxweyne Muuse Biixi Abdi oo uu kala hadlay arrima dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka ay #Somaliland la leedahay #Soomaaliya, iyo khilaafka kala dhexeeya dariskeeda #Puntaland ee arrimaha #Tukaraq.”

Khaladaadka bulshada Somaliland ka dhex aragto qaab qoraaleedka Qaramada Midoobay ayaa u muuqda mid ay ka dambeeyeen shaqaalaha UN-ta ee Soomaaliya waxaanay u muuqata in uu durba dar jiidhay xafiiska uu hoggaaminayo Nicholas Haysom oo khibrad u leh meelaha khilaafaadka siyaasiga ahi ka jiraan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.