“Xadhiggayaga 11-ka Maalmood Ahaa Wuxuu Ahaa Afduub,” Cuqaal

0
474 views
“Xadhiggayaga 11-ka Maalmood Ahaa Wuxuu Ahaa Afduub,” Cuqaal

“Xadhiggayaga 11-ka Maalmood Ahaa Wuxuu Ahaa Afduub,” Cuqaal

Guddoomiyaha cuqaasha gobolka Maroodijeex Caaqil Xuseen Colaad Jaamac (Caaqil Halac) Suldaan Siciid Cabdi Jaamac (Hadhiye) oo muddo 11 cisho ah ku xidhna saldhiga degmada Koodbuur ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xoriyadoodii dib u helay. Madaxdhaqameedkan ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax waxay sheegeen in maxkamadda racfaanku u aragtay xadhigooda afduub.

Madaxdan dhaqanka ayaa la xidhay kadib markii Siciid Cabdi Jaamac Hadhiye qabanqaabiyay xaflad loogu caleemo saarayo suldaanka guud ee beesha Muuse Abokor oo ka mid ah beelaha Arab. Intii ay xidhnaayeen ayaa dhinaca xidhay caleemo saaray Boqor Maxamed Ciise Haybe oo dhawaan lagu caano shubay degmada Habaasweyn.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.