Xaaladda Wiilashii Reer Somaliland Ee Puntland Ku Afduubnaa

0
862 views
Xaaladda Wiilashii Reer Somaliland Ee Puntland Ku Afduubnaa

Xaaladda Wiilashii Reer Somaliland Ee Puntland Ku Afduubnaa Iyo Waalidkood Oo Xukuumadda Baaq U Diray

Hargeysa(Sayruuq)- Labadii Wiil ee dhallinyarada ahaa ee reer Somaliland ee toddobaadkan lagu Afduubtay Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhayaa waxa ay tibaaxayaan in aan si rasmi ah loo garanayn meesha iyo goobta ay ragga afduubka gaystay la tageen wiilashan balse loo badinayo in ay ku afduuban yihiin deegaan ku yaalla Degmada Eyl ee Xeebaha Woqooyi Bari ee dalkaasi Soomaaliya halkaasi oo kooxda afduubka gaysatay ula baxsadeen wiilashan.

Muwaadin Cali Axmed Maygaag oo Adeer u ah Xamse Maxamed Axmed oo ka mid ah labada wiil ee afduubka loo gaystay oo xalay Khadka taleefanka ugu warramay Wargeyska FOORE ayaa xaqiijiyey in ay wali wiilashaasi afduuban yihiin wax waan waan ah oo socotaana aanay jirin cid ay ka arkeen Masuuliyiinta waaweyn ee dalkuna aanay jirin marka laga tago Saraakiil ciidamada Ammaanka ah oo ay arrinka labadaasi wiil la socodsiiyeen.

Cali Axmed Maygaag oo ah Maamulaha Dugsiga Sare ee Blooming School ee Caasimadda Hargeysa oo adeer u ah mid ka mid ah labada nine e dhallinyarada ah ee afduubka loo gaystay ayaa isaga oo wargeyska Foore xalay u warramayay waxa uu yidhi: “Habeen hore ayaa noogu war-dambaysay Wiilasha afduubka Puntland loogu haysto oo aan mid ka mid ah Adeer Ruma u ahay oo walaalkay dhalay. Innamadu xaqiiqo ahaan meesha rasmiga ah ee wakhtigan lagu haysto ma garanayaan ee waxa nagu maqaalo ah in lala tagay dhinacaa iyo xeebaha Eyl, ka hor intii aanay ka qaadin Dan-gorayo oo ay la tageen markii ay Garoowe ka afduubeen. Laakiin wax xaqiiqo ah oo sugan oo aannu imika ka hayno meesha lagu haystaa ma jirto. Guri ayaa lagu ilaalinayaa oo ay ku afduuban yihiin. waxaana la geeyey markii hore iyaga oo indhaha ka xidhan”.

Mar aannu Cali Axmed Maygaag wax ka waydiinay bal in ay arrinka afduubka wiilashan la socodsiiyeen saraakiisha ugu sarraysa xukuumadda Somaliland ayaa waxa uu Cali noo sheegay in uu Khamiistii isku dayay in uu arrinkaasi kala soo hadlo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed balse aanay u suurto galin inuu wasiirka helo oo loo sheegay in uu shirar ku jiro balse ay arrinkan hore ula socodsiiyeen saraakiisha ciidamada ammaanka ee Somaliland. Waxaanu xukuumadda ugu baaqay in ay degdeg uga hawl gasho sidii labadan wiil loo soo dayn lahaa.

Xamse Maxamed Axmed iyo Cabdiqaadir ayaa ahaa laba nin oo dhallinyaro ah oo reer Hargeysa ah kuwaasi oo dano gaar ah u tagay maamul-goboleedka Puntland ka hor intii aan halkaasi lagu afduubin waxaana la sheegay in ujeedada labadan dhallinyaro ah loo afduubtay tahay sida ay ku doodayaan kooxda Afduubka haysatay nin eedaysane ah oo wakhtigan ku xidhan magaalada Burco kaasi oo loo haysto kiis kufsi ah ahna nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Magaalada Garoowe kaasi oo la sheegay in kooxdan afduubka gaysatay ay ilmaadeer yihiin.

Ma jiro wax tallaabo ah oo ay xukuumaddu illaa hadda u qaaday sidii waanwaan loogu soo dayn lahaa labadaasi muwaadin ee dhallinyarada ah waana xaalad ugub ku ah isu socodka labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Puntland oo Toogasho Ku Xukuntay Askari Hargaysa Jooga

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here