Wixii Aan Ka Ogaa Xeerarkan iyo Hay’adda Keentay!!

Inantii waxay ii sheegtay in Golaha Wakiiladu hawshaas la wadaan; waxan ku idhi sharci kasta oo la samyanayo

0
949 views
Dooddii Adkayd Ee Dhexmartay Prof Cabdi Cali & Madaxweyne Biixi

Wixii Aan Ka Ogaa Xeerarkan iyo Hay’adda Keentay!!
Waqtigii aan joogay Komishanka La Dagaalanka HIV/AIDS-ka ayaa waxan ogaaday arrin la yaab leh!!!; waaba xeer gacanta lagu hayo oo loo samaynayo HIV/AIDS-ka; waxa wada Haya’dda IRI ee Maraykanka ah; waxan u yeedhay inan (gabadh) hawshaa la waday haya’dda oo aan gartay markii la ii sheegay, maxaa yeelay macallin baan ugu ahaa Jaamacadda Hargeisa; way ii timi; waxan waydiiyay inuu jiro xeerkaas oo ay gacanta ku hayaan; anigu ma ogeyn, maxaa yeelay, la iiguma darin xil-wareejintii inuu jiro xeer caynkaas ah;

Inantii waxay ii sheegtay in Golaha Wakiiladu hawshaas la wadaan; waxan ku idhi sharci kasta oo la samyanayo xukuumadda oo fulinta ah ayaa ku shaqo leh; sidaa darteed xeer aanay Komishanku Aids-ku ogeyn looma gudbin karo Golaha Wakiilada, ee waa sidee?; dhawr jeer oo danbe ayaan u yeedhay, marksasta waxay iga hoos galayeen Golaha Wakiilada.

Calaa kulli xaal, iyadoo xaalku sidaa yahay ayaa la iga soo beddelay xafiiskii Komishanka; waxay ahayd sannadihii 2014, 2015 iyo 2016.

Waxan fahmay immika markii laga sheekeeyey taariikhdii uu soo maray xeerka muranka badan keenay ee Kufisga, in laba xeer oo kale ay hay’addaas IRI gacanta ku haysay oo mid yahay kan laga qaylinayo; ma garanayo in sidayda oo kale laga qariyay masuuliyiintii xukuumadda ee ay khusaysay; laakiin kolay malaha aniga way iga baqeen, maadaama anigana ay i garanayaan, waxa meesha ku qorana ay og yihiin; Waxan is leeyahay kaa HIV/Aidska ayaa ka sii daran kan laga qaylinayo ee Kufsiga; wuxu qabaa waxa ay ii tusi waayeen in aan arko xeerkaas!!!

Haddaba, waxan uga digayaa golaha wakiilada in aanay madaxweynaha u gudbin xeerkaas la ii diiday in aan arko, iyadoo ay ahayd shaqadaydii iyo masuuliyadaydii aan qaranka u hayay; waa la soo wadaa isagana; waxa la yidhaa xeerka HIV/Aidka; ninkii sakaarada daban jiray ee midi dhaaftay wuxu yidhi ta danbeba!!!

Waxa kale oo aan uga digayaa Golaha in aanay gabbood iyo difaac u noqon hay’adaha wada xeerarka garaca ah ee aan ka turjumayn baahiyiheena, laakiin xambaarsan sunta fawaaxishka ee ay rabaan in ay inagu faafiyaan.

Haddii aad curinaysaan sharci ama xeer, car curiya mid ka turjumaya kun-ka baahiyood ee sharci ee aynu qabno iyadoo aanay idiin keenin hay’ad; haddii kale adeer iska suga wixii xukuumaddu idiin soo gudbiso oo bad hayna galinina!!!

Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.

Prof Cabdi Cali Jaamac

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.