Wiilal Reer Somaliland Ah Oo Garoowe Lagu Haysto

0
741 views
Wiilal Reer Somaliland Ah Oo Garoowe Lagu Haysto

Wiilal Reer Somaliland Ah Oo Garoowe Lagu Haysto

Guddoomiyaha hay’adda xuquuqal Iisaanka HRC oo fadhigeedu yahay Hargeysa Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) ayaa sheegay in laba wiil oo Somaliland u dhashay lagu qafaashay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Isaga oo soo xiganaya ehelada nimanka la haysto waxa uu sheegay in loo haysto qof ku xidhan Somaliland oo fal dambiyeed u xidhan.

Guuleed Dafac oo arrintan boggiisa baraha bulshada ku shaaciyay ayaa yidhi “Laba wiil oo reer Somaliland ah ayaa lagu af-duubay Garoowe 1dii April, sida ay eheladoodu ii xaqiijiyeen. Labada wiil oo xoog lagu haysto waxa af duubtay dad dalabkoodu yahay in la sii daayo nin ka soo jeeda Puntland oo fal-dembiyeed ugu xidhan Somaliland. Dawladda Puntland masuuliyad ayaa ka saaran in la sii daayo dadkaas la af duubtay. Falkaas oo sharcidarro iyo dhaqan xumo ba ah. Dadka shacabka ah ee jooga Puntland waxay mar walba magan u yihiin maamulka meesha ka jira.”Ninka loo haysto wiilashan ayaan si rasmi ah loo ogayn inkasta oo wararka hordhaca ah sheegayaan in uu yahay nin la sheegay in uu Gaalkacayo ku kufsaday inan gabadh uu qabay dhashay oo Burco lagu xidhay.

 

Afduubkan Waa arrin u muuqata ugub oo ku soo korodhay dadka Somaliland ee inta badan u doonta Basaboorrada Soomaaliya Garoowe halkaasi oo maamulka Puntland-na dhaqaale ka helo dadkaasi ay khidmadda ka qaadaan.

 

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.