Wiil Yar Oo U Indha Beelay Faytamin Kaliya Oo Cuntadiisa Ka Dhimnaa

0
201

Toronto(Sayruuq)-Khubaradda caafimaadka ayaa ugu baaqa waalidiinta ku dadaalida caruurtooda oo ay siiyaan cunto isku dheeli tiran kuna dhan yihiin faytamintaaka caruurta koriya ,laakin sida laga soo xigano websatka Dawish  Fill oo ay ka soo xigtay Wargeyska Bilda ee Jarmalka oo Mareegta Sayruuq.com ka soo turjumtay faaladan ayaa sheegaya in qoyis reer Kandiyaan ahi ay ilmahooda saddeaxda waqti Cunto ay siin jireen ay ka madhanayd Faytamiinka “A” ,Taasi oo sababtay indho la`aan ku habstay wiilkaa yar .

Wiilkan oo 11 jir ah ayaa labadiisa  indhoodba belay ,kadib markii ay cuntooyin  ka qaar ay kala soo dariseen xasaasiyad ,sida hilbka Adhiga ,hilibka doofaarka ,baradhada ,Tufaaxa iyo Khiyaarka . waxaanay hore loo aaminsanaa in cuntooyinkaasi asyan  ku jirin faytamiino daruuri u ah indhaha aadamaha.

Mareegta ayaa cadeysay in cuntooyinkaasi aynu soo sheegnay uusan ku jirin Faytamiin “A” ga ee ku jira Dabacasaha ,Qamandiga,Bisbaaska cas iyo Barbarooniga oo muhiimad xad dhaaf ah u leh indhaha ,waana sababta keentay in wiilka yar indhihiisu qalalaan isla markaana Fayramiinku si tartiib tartiib ah u keen araga indhahah oo is dhimida .

Wiilkan yare ee Kandiyaanka ah ayaa arago daro ku habsatay isagoo waqtiyada qaarna  meelaha madow uun wax ku arki jiray ,kolkii danbena mudo sided bilood ah aragiisu marba marka kasii dabeysa uu sii xumaanay heer uu gaadhay in uu indha beelo ba  .

khubaradda jaamadda Toronto ee Kanada ayaa sheegay baadhitaanka wiilkan lagu sameeyay in uu yimid waqti xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo aan wax dawo ah iyo ka soo kabasha toona loo sameyn Karin.

Sayruuq.com

Sayruuq-Hargeysa Offie

Contact@sayruuq.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here