Wiil Uu Dhalay Faysal Cali Waraabe Oo Daacish Ka Tirsana Ayaa Geeriyooday

0
60 views

Dalka Suuriya waxa 29kii bishii Desember ee sanadkii 2017kii ku geeriyooday Xuseen Faysal Cali Waraabe oo kamid ahaa carruurta uu dhalay guddoomiyaha xisbiga UCID.

Xuseen ayaa sanadkii 2013kii ka tagay magaalada Hargeysa iyadoo wakhtigaasi la sheegay in uu ku biiray ururka DAACISH ama ISIS ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Cali Faysal Cali Waraabe oo ay walaalo yihiin Xuseen ayaa Goobjoog News u sheegay in loo malaynayo in wiilkoodu ku dhintay duqayn diyaaraddeed.

Xigasho:  Goobjoog

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.