Wiil Indhoole Ah Oo Kaalinta 1-aad Ka Galay Kulliyadda Sharciga Jaamacadda Camuud

0
172 views

Wiil Indhoole Ah Oo Kaalinta 1-aad Ka Galay Kulliyadda Sharciga Jaamacadda Camuud

Cabdifataax oo aragga Naafo Ka Ah Waa Xaafidul Quraan Imaam Ka Ah Masaajid Iyo Malcaamad

Boorama(Sayruuq) Cabdifataax Farxaan Habbane waa wiil dhallinyaro ah oo horumar ka gaadhay hayaanka waxbarashada meel fiicana marinaya horumarka noloshiisa iyada oo aanay dabrin naafonimada indhaha. Waxa uu hammigiisu yahay sii wadida horusocodka aqooneed iyo noloshiisaba.

Cabdifataax oo carruurta malcaamad ugu dhiga Quraanka oo uu xafidsan yahay waxa uu hadda ka qalin jabinaya jaamacadda Camuud ee Boorama kulliyaddeeda Shareecada waxaanu noqday ardayga u sarreeya. Waxa uu sheegay in aanu haysan agabka waxbarashada u fududeeya dadka indhaha la’a laakiin, uu xoogga saaray xifdiga duruusta uu qaadanayay.

Machadka Saylac ayaa waxbarasho 3 sannadood ah ku soo qaatay Illaahayna wuu ii suuro galiyay in aan ka soo gudbo, halkaasna ardayda sare ayuun baan ku jiray, waxaan marka u soo gudbay Jaamacadda Camuud kulliyadda sharciga iyo qaanuunka. Waxa aan dhiganayay 3 sanno waxaanu Illaahay ii suuro galiyay in aan maanta dhammaysto, aniga oo ujeedooyinkaygii qaar xaqiijiyay inta kalena rajaynaya in Illaahay ii xaqiijiyo,” Sidaas ayuu yidhi Cabdifataax oo wariye Maxamed Sharbi Yare ku bookhday masjidka iyo malcaamadda uu masuulka ka yahay ee magaalada Boorama.

Waxa sidoo kale sawiray sida uu ugu faraxsan yahay qalinjabintiisa wakhtigan “Dareenkaygu runtii aad buu u sarreeya aad baanan ugu faraxsanahay in aan maanta ka qalin jabiyo Jaamacadda Camuud oo aan waliba kaalinta koobaad u galo kulliyadda sharciga aad baan ugu faraxsanahay waana wax aan rajaynayay intii aan waxbarashada waday.”

Cabdifataax wuxuu sheegay in waxbarashadu dadka laxaadkooda qaba laftooda ku tahay caqabad isna uu ka sii xag jiro. Socodka iyo wax akhriska ayaa ugu horeeyay caqabadaha uu sheegay in ay ka hor yimaaddeen “Waxaan leeyahay dadkaas in ay waxbarashada ku biiraan oo xiftiyaan inta ay xifdiyi karaanba, runtii anigu waxba ma qorayn oo farta indhooleyaasha ma aqoon laakiin, xifti ayaan ku dhammaystay, waxaan leeyahay way fududahay haddii qofku go’aan gaadho oo ku adkaysto dadaal iyo hadafna la yimaaddo,” Sidaas ayuu yidhi Cabdifataax oo dhiiri gelinaya dadka naafada ah ee waayaha naafonimo ka hor istaageen waxbarashada iyo horumarka nolosha.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warbixinta Cabdifataax

Dadaalka cajiibka ah ee uu sameeyay Cabdifataax ayaa dhiiri gelin iyo ku dayasho u ah dadka naafadaha ah ee iyaga oo aan haysan waxyaabo aqoonta u fududeeya iskaga hadhay waxbarashada ama u arkay mid aanay tahlayn naafonimadooda awgeed.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.