Wefti Ka Socda Sucuudiga Oo Hargeysa Imanaya

Sucuudiga iyo xulufadiisa ayaa door ku leh isbedellada ka socda Geeska Afrika

0
1,451 views
Wefti Ka Socda Sucuudiga Oo Hargeysa Imanaya

Wefti Ka Socda Sucuudiga Oo Hargeysa Imanaya
Hargeysa(Sayruuq) Wefti culus oo ka socda Boqortooyada Sucuudiga ayaa maanta imanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Lama oga ujeedada weftigan laakiin, xogo uu helay wargeyska Warsugan oo Hargeysa ka soo baxa ayaa ku warramaya in weftigan si balaadhan loogu soo dhawaynayo Madaarka Hargeysa.

Wargeysku waxa uu sheegay in weftiga uu hoggaaminayo muwaadin Somaliland u dhashay, islamarkaana ay wehelinayaan masuuliyiin Boqortooyada Sucuudiga ka tirsan. Muwaadinkan ayaa la sheegay in uu yahay nin hore uga shaqeeyay in Boqorka Sucuudigu si heer sare ah u qaabilo madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo dalkaas u joogay gudashada waajibaadka Xashka.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa todobaadkii la soo dhaafay muujisay doorka ay ku leedahay isbedellada ka socda Geeska Afrika kadib markii hoggaamiyeyaasha Ereteriya iyo Itoobiya iyo Ereteriya iyo Jabuuti heshiisyo iyo wada hadallo ku yeesheen magaalada Jidda ee Sucuudiga.

Lama oga Sucuudigu in uu Somaliland ka saacidayo sidii ay ula jaanqaadi lahayd isbedelka Geeska Afrika iyo inkale maaddaama aanay Somaliland wali qayb ka noqon isbedelka gobolka ka dhacay.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.