Wefti Culus Oo Ka Daba Tagaya Madaxweyne Biixi

0
961 views
Xiisad Ka Dhex Taaggan Wasiirrada & Xildhibaannada Awdal

Wefti Culus Oo Ka Daba Tagaya Madaxweyne Biixi

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland iyo Taliyayaasha ciidamada Ilaalida xeebaha, Booliska , Malatariga iyo Asluubta ayaa safar ku tagaya dalka Imaaraadka si ay ula kulmaan dhigooda dowlada imaraadka Carabta oo ay ka wada xaajoon doonaan hawlaha farsamo ee loo baahan yahay inay Somaliland iyo Imaraadku iska kaashadaan.

Madaxweyne Biixi oo ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa intii uu halkaasi joogay sheegay in Imaaraadku tababari doono ciidamada kala dawan ee Somaliland, sidoo kalena bangiga dhexe ka caawin doono lacagta adag. Masuuliyiinta la socda madaxweynaha ayaa saxaafadda u sheegay in ay guul kala kulmeen socdaalkooda Imaaraadka.

Socdaalka masuuliyiintan ayaa la rumaysan yahay in uu daarran yahay iskaashi dhinaca horumarka iyo ammaanka ah oo dhexmara Somaliland iyo Imaaraadka. Waxa si weyn loo hadal haya in dawladda Imaaraadku ogolaato Basaboorka Somaliland, islamarkaana ay kor u qaado heerka diblamaasiyadeed ee xidhiidhka ay Somaliland la leedahay.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.