Weedhaha Wakiillada Beesha Caalamka Ee Tukaraq

0
703 views
Ingiriiska Oo Ka Hadlay Colaadda Tukaraq

Weedhaha Wakiillada Beesha Caalamka Ee Tukaraq
Hargeysa(Sayruuq) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Michael Keating iyo wakiilka Ingiriiska ee Somaliland iyo Somalia Danjire David Concar ayaa si kooban uga hadlay colaadda u dhexaysa Somaliland iyo maamulka Soomaaliya ee Puntland oo shalay dib uga qaraxday aagga Tukaraq.
Amb Keating ayaa sheegay in aanay xilligan Soomaalidu u baahnayn barakac iyo dhimasho “ Soomaalidu xilligan uma baahna dhimasho badan iyo barakac ku habsada. Kaliya waxa ka faa’iidaysanaya xagjiriinta. Hadda waxa loo baahan yahay in hoggaamiyeyaasha siyaasaddu ku dhiiradaan fulinta xabad joojin laguna dhammeeyo khilaafka wada hadal,” Sidaas ayuu Mr Keating ku sheegay qoraal uu boggiisa Twitter-ka ku qoray.
Sidoo kale danjiraha Ingiriiska David Concar ayaa sheegay in ay niyad jab iyo walaac ku keentay xiisadda Tukaraq “ Si qoto dheer ayaanu uga walaacsanahay oo uga niyad jabsanahay in mar kale dagaal ka qarxo gobolka Sool. Waxaanu ku boorrinayna labada dhinacba in ay xabad joojin waarta oo degdeg ah sameeyaan bilaabaana wada hadal,” Sidaas ayuu wakiilka Ingiriisku ku sheegay boggiisa Twitterka.
Geesta kale qoraal ay wada jir u soo saareen Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub, Urur goboleedka IGAD, Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Ingiriiska iyo Maraykanka waxay dhinacyada ku boorriyeen in nabada gunto arrimahana wada hadal lagu soo dabaalo.
Waxay qoraalkooda ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin dagaalka oo hub culus la isu adeegsaday. Waxay sheegeen in iyada oo ay taaggan tahay xaaladda bani’aadanimo ee ka dhalatay duufaanta, iyada oo hore ay xaaladdu isaga xumayd oo barakac jiray tanna ay uga sii darayso waxaanay ku baaqeen in fursad la siiyo gurmad loo fidiyo dadka dhibaataysan.
Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.