“Waxaynu Dhisi Doona Cududeena Ciidamada Badda,” Dr Abiy

0
1,380 views
Itoobiya Oo Isu Soo Dhawaynaysa Imaaraadka & Somalia

“Waxaynu Dhisi Doona Cududeena Ciidamada Badda,” Dr Abiy

Addis Ababa(Sayruuq) Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo dorraad xafiiskiisa warbixin ku siinayay hoggaanka ciidamada difaaca Itoobiya ayaa u sheegay in dalkiisu dhisay midka mid ah ciiddanka ugu awoodda badan Afrika ee dhanka dhulka iyo Cirka, islamarkaana uu dhisi doono cududiisa dhanka badda. Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa la is waydiinaya waxa uu yahay hiigsigeedan.

Ra’isal wasaare Abiy oo ammaanay heerka uu gaadhay ciidanka Qaranka ee Itoobiya ayaa soo bandhigay hiigsigiisa ugu weyn “Marka la eego dadaallada la sameeyay si loo dhiso awoodda ciidankeena Qaranka, waxaynu dhisnay mid ka mid ah ciidanka ugu xoogga badan Afrika ee dhanka Cirka iyo dhulka, waxaynu mustaqbalka dhisi doona awooddeena dhanka badda,” Sidaas ayuu yidhi Dr Abiy sida ay baahisay wakaaladda Fana Broadcasting Corp.

Warbaahinta Bloomberg oo arrintan wax ka qortay ayaa isku dayday in ay la taliyaha dhanka ammaanka ee Ra’isal wasaare Abiy arrintan wax ka waydiiso laakiin, may suuro galin uun ka jawaabo telefoonnada ay u direen.

Sida ay baahisay Bloomberg waxay hadda Itoobiya leedahay Machadka tababarrada dhanka Badda oo culuunta Injineernimada iyo farsamada Korontada baro sanadkii ilaa 500 oo qof, islamarkaana doonaya in uu gaadhsiiyo sanadkii 1000 sida laga soo xigtay website-ka Machadka Lake Tana.

Hoggaamiyaha cusub ee Itoobiya waxa uu bishii dhammaatay heshiisyo dhanka dekedaha ah la gaadhay Sudan oo saami ka siinaysa dekedda Port Sudan, Jabuuti oo saami ka siinaysa dekedaheeda iyo Kenya oo dhul ka siinaysa dekedda Lamu.

Hore waxay Itoobiya Saami 19% ah ugu lahayd dekedda Berbera ee Somaliland waxaanay qorshaysay in ay adeegyadeeda dhoofinta iyo wax soo dejinta 30% u isticmaasho dekedda Berbera, halka ay 10% u qorshaysay Port Sudan lana filayo in inta kale ay isticmaasho dekedda Jabuuti sida ay dhawaan baahisay warbaahinta Itoobiya oo bookhday dekedda Berbera.

Damaca cusub ee Itoobiya ku raadinayso cudud ciidan oo dhanka badda ah ayaan la ogayn halka uu ku jahaysan yahay waxaanay hore Somaliland u marti gelisay saldhigga Berbera uu ku leeyahay waddanka Imaaraadka Carabtu.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.