“Waxaan Soo Iibsanaya Gaadhigan Ku Riyoon Jiray,” Dumarka Sucuudiga Ee Darawalnimada Loo Ogolaaday Oo Dunida Laga Soo Dhaweeyay

0
77 views

Riyad(Sayruuq) Boqorka Sucuudi Carabiya  boqor Salmaan ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu u ogolaaday dumarka dalkaasi in markii ugu horreysay ay kaxeeyaan baabuurta. Ilaa hadda ragga oo kaliya ayaa loo ogol yahay darawalnimada waxaana la isugu daraya ganaax iyo xadhig haweenayda Sucuudiga ah ee gaadhi kaxaysa. Bisha Juun ee 2018 ayay dhaqan galaysa wareegtada boqorka Sucuudiga.

Sucuudiga ayaa ah waddanka kaliya ee dunida aan dumarka u ogoleyn in ay baabuur kaxeeyaan laakiin, go’aankan waxaa si weyn u soo dhaweeyay hoggaamiyeyaasha caalamka, dadka xuquuqda haweenka u dhaqdhaqaaqa ee Sucuudiga ah iyo hay’addaha xuquuqal iisaanka.

Sahar Nassif oo ololaysa xuquuqda dumarka Sucuudiga ayaa iyada oo Riyad joogta BBC-da u sheegtay in ay si weyn ugu faraxday arrintan “Aad iyo aad ayaan ugu muraaqooda, farxad iyo qosol ayaan la boodbooday. Waxa aan hadda soo iibsanaya gaadhigii aan ku riyoon jiray, waa convertible Mustang(baabuurta raaxada ee dusha bannaan) waxaan doonaya in uu madow ama huruud noqdo,” Sidaas ayay tidhi Sahar.

Manaal Mascuud Shariif oo ka mid ah qabanqaabiyeyaasha in dumarku baabuurta kaxayn karaan ayaa barteeda Twitter-ka ku bilawday olole ah si dhakhso ah ayay dumarku baabuurta u kaxayn doonan “Sucuudi Carabiya waligeed noqon mayso sidan oo kale, roobkuba waxa uu ku bilaama dhibic kaliya,” Sidaas ayay tidhi Manaal.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ammaanay tallaabada boqorka Sucuudigu qaaday “Waxaan soo dhawaynaya go’aanka Sucuudi Carabiya xayiraadda kaga qaaday in dumarku baabuurta kaxeeyaan. Waa tallaabo muhiim ah oo jahada toosan loo qaaday,” Sidaas ayuu ku yidhi boggiisa Twitter-ka.

Madaxweynaha Maraykanka Donuld Trump iyo waaxda arrimaha dibada Maraykanka ayaa soo dhaweeyay go’aanka boqorka Sucuudiga kuna tilmaamay tallaabo togan oo dhinaca saxda ah loo qaaday.

Laakiin, gudaha Sucuudiga lagama soo wada dhawayn arrintan waxaana jira dad ku doodaya in ay mamnuuc ka dhigayso Shareecadda Islaamku in dumarku baabuur kaxaystaan. Arrintan ayaa ah sababta marka hore looga mamnuucay dumarka laakiin, hadda tafaasiil lagama hayo sababta loo ogolaaday.

Sayruuqnews

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.