“Waxaan Leeyahay Cabdiwali Somaliland Ba Argagixiso Caawisa Cidi Ka Dhegaysan Mayso,” Guddoomiye Baashe

0
499

Hargeysa(Sayruuq) Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka jawaabay hadal xalay ka soo yeedhay hoggaamiyaha maamulka Soomaaliya ee Puntland oo xambaarsana hanjabaad dagaal iyo eedo ka dhan ah Somaliland waxaanu u sheegay in aanay Somaliland arrimo dagaal ku hawlanayn, islamarkaana aanay xuduudaheeda ka bixin.

“Waxaan leeyahay Cabdiwali hadalada aad ku hadashay ee ah ‘Somaliland baa argagixiso caawisa’ mid laga akhrisanayo maaha bulshada caalamkuna way og tahay. Waad ogayd oo raggii wadaadka Garoowe ku dhex dilay Somaliland baa idiin qabatay oo idiin celisay, ammaankana waynu ka wada shaqayn jiray, marka Somaliland ba argagixiso la shaqaysa cid kaa dhegaysan mayso,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Baashe oo BBC-da la hadlayay.

Waxa uu intaasi ku daray in dhulka dagaalku ka dhacay yahay Somaliland “Meesha wax ka dhaceen waa Tukaraq, Tukaraqna waa Somaliland oo waxay kala badha Garoowe iyo Laascaanood, marka xuduuda Somaliland uma dhawa waxaanay xuduudu Garoowe u jirta 7Km. waxaan ku leeyahay hadalka aad odhanayso ka fiirso Soomaalina dil iyo dhiig saaka uma baahna, Puntland waa dad aanu jaar nahay oo aanu isku socono laakiin, haddii aad Cabdiwaliyow dagaal u ciil qabto meel kale ayaad ka heli Somalilandna waxay ku mashquulsan tahay dhismaha dalkeeda iyo dadkeeda,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Baashe.

Guddoomiyaha wakiillada Somaliland wuxuu dul u istaagay xuduudka Somaliland in aanay ciidamadu ka tallaabin “Xuduuda Somaliland iyo Soomaaliya 7KM ayay u jirta Garoowe, meesha ciidamadu hawshooda ka qabsanayeena waa Tukaraq oo wali xuduudka uma dhawa Xuduudkuna waa Yoocada Cabdiwalina waa yaqaana. Dawladdaha caalamkana waxaanu u sheegayna in uu wixii halkaasi ka yimaadda qaadayo Cabdiwali Cali Gaas.”

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here