“Waxaan Ku Taliyay 20 Wasiir Oo 11 Dhexda Tahay 9 Bariga & Galbeedka Haddana Waa 22 Dhexda Iyo 10 Darafyada Waa Saami Aad U Fool Xun,”

0
932 views
“Waxaan Ku Taliyay 20 Wasiir Oo 11 Dhexda Tahay 9 Bariga & Galbeedka Haddana Waa 22 Dhexda Iyo 10 Darafyada Waa Saami Aad U Fool Xun,”

“Waxaan Ku Taliyay 20 Wasiir Oo 11 Dhexda Tahay 9 Bariga & Galbeedka Haddana Waa 22 Dhexda Iyo 10 Darafyada Waa Saami Aad U Fool Xun,”

 Prof Axmed Ismaaciil Samatar Oo Sheegay In Bulshadu Isku Raacsan Tahay Dhalliisha Xukumadda Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Waaberi) Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka tirsan saraakiisha Xisbiga KULMIYE, ayaa saluugsan habka saami qaybsiga Xukuumadda Muuse Biixi, isagoo sheegay in beesha dhexe ay sad-bursi samaysay, waxaanu xusay inay dhan ka raranta , isla markaana ay u dheelliday dhanka beesha dhexe. Prof-ku wuxuu sheegay in saami qaybsi uu kula taliyay madaxweynuhu ka tallaabsaday.

Prof Axmed ismaaciil Samatar, ayaa waxa kale oo uu dhaliilay siyaasada arrimaha debada ee Somaliland, oo ku tilmaamay inay tahay mid fadhiid ah loona baahan-yahay in lagu shubo dhiig cusub, isagoo xisbiga KULMIYE in uu dib uga fadhiisto ku taliyay, waxaanu sidaasi ku sheegay wareysi dhinacyo badan taabanay oo uu siiyay telefishanka Horn Cable.

Aqoon-yahan Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ugu horayn sheegay inuu kamid ahaa gudidii loo xil saaray dhismaha xukuumadda Cusub ee Muuse Biixi, kuwaas oo sida uu sheegay ka koobnaa sagaal xubnood, waxaanu hoosta ka xariiqay inay isla qateen in 20 wasaaradooda lagu soo kooba dhisma xukuumadda, isla markaana ay beelaha daraf-yada saami ahaan qataan 9 wasaaradood, “Waxaan ku heshiinay kana soo baxay guddidii la saaray ee sagaalka qof ahayd ee Xisbiga KULMIYE ka tirsanayd dowlada dhismaheeda in labaatan wasiir la abuuro iyo wasaaradood ay noqdaan, kuwii hore qaar la isku dar-darayo , laakiin 20 aanay ka badan, wasiir ku-xigeen iyo wasiirrul Dowle iyo waxaas la iska xidho, dee laba iyo sodon weeye iminka, Wax-baa is dhaafay loomana baahnay waddankuna ma qaadi karro intaas, waa in waxan la soo ururiyo quwad xoog leh la geliyo shaqaduna ay deg deg u bilaabanto, halkaasi annigu su’aal weyn ayaan ka qabaa,” Sidaas ayuu yidhi Prof Samatar.

Geesta kalene Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa sheegay inuu saluugsan-yahay habka  saami qaybsiga Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay hadda ku dhisantahay, isagoo farta ku fiiqay Beesha uu Madaxweyne Biixi kasoo jeedo ee dhexe ay xilalka inta badan hayso ”  Waxaan ka qabaa annigu saluug kale  saami qaybsiga Dowlada la dhisay, waxaan filaynay haddalkuna uu aad u dhex-galay ummadan in la isku soo dhaweeyo Barri iyo Galbeed iyo dhex-ba in la isku soo dhaweeyo, markaa Madaxweynihii haddii uu dhex ka yimi in dadkii kale ee Barri iyo Galbeed baalalkii lagu duulayey waddanku noqdaan, halkani(dhexdu) haddii ay ijiinkii tahay baalashuna waa Galbeed iyo Barri  in la soo ururiyo oo meel muuqata oo saxda wax badan halkaa laga dhigo, annigu waxyaabihii aan ku teliyey waxay ahayd in labaatanka wasiir koob iyo taban ay dhex(Isaaq) noqdaan , Sagaalna ay noqdaan Barri iyo Galbeed iyo dadka walaalaheen ah ee Gabooyaha , sagaal dadka kale ah iyo 11 dhex-da labaadankii sidaas ayey noqonayaan oo sidaas la iskugu soo celiyo , wada lahaanshaha waddankana la sii xalaaleeyo, taasina may dhicin waxa laga hadlayaa 10 iyo 22., 10 ah labada daraf Barri iyo galbeed iyo 22 dhex-da ah aad ayuu u fool xun-yahay muuqaalkaasi, waa wax-yaabaha uu saluugu ka taagan yahay anna aan saluugsanahay,” Ayuu yidhi Prof Samatar

Docda kale Prof Axmed ismaaciil Samatar ayaa sheegay inuu saluugsan-yahay xubno golaha wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Biixi, waxaanu sheegay in  saluugiisa uu la qabo bulshada Somaliland oo saluugsan xubnaha golaha Xukuumada Biixi oo lagu tilmaamay  inay yihiin qaar siyaasad ahaan iyo aqooon ahaanba weyd.

“Dadka soo galay Dowlada dhismaheeda laf ahaanteeda, 32 qof oo ay 23 wasiiro yihiin in wasiiraddaana laga dhex arko, Dad Garbo waa weyn leh aqoontoodu ay ballaadhan tahay oo ay gun dheertahay oo waddanka qaada, waddankani wuxuu u baahanyahay dad qaada isma qaadayo waddanku, wuxuu u bahaanyahay dad qaada, “ ayuu yidhi Profku

Markaa waxaad leedahay Wasiiraddii Uu Madaxweynuhu magacaabay ayaa saluug ku jiraa xagii Bulshada  ?

Su’aashii ayaa waxa kaga jawaabay Prof Samatar sidan “haa ,dadkuna sidaas ayey igu leeyihiin aan wareystay, weli maba arag qof I yidhaah-da wey saxantahay wey saxantahay, suluugaa waa laga siman yahay guddo iyo debad. “

Su’aashii ayaa waxa kaga jawaabay Prof Samatar sidan “haa ,dadkuna sidaas ayey igu leeyihiin aan wareystay, weli maba arag qof I yidhaah-da wey saxantahay wey saxantahay, suluugaa waa laga siman yahay guddo iyo debad. “

Waxa kale oo uu Prof Axmed Ismaaciil Samatar uu ka haddlay siyaasada arrimaha debada Somaliland , isagoo ku tilmaamay inay tahay mid fadhiid ah..” waxaan qabaa in ay fadhiid noqotay 27 sanadood halkii aynu gaadhi  lahayn maynaan gaadhin, siyaasadaasi waxay u baahantahay in dib loo habeeyo ididiilo cusub la geliyo, maal cusub la geliyo , figarad cusub la geliyo, dad la dhigo meesha waddanka gudihiisa iyo debadiisaba oo  baabuurka ciida galay dhaqaajin karra , siyaasadii arrimaha debada ee Somaliland waxay u baahantahay in la cusboonaysiyo ayay u baahantahay..”.. Ayuu yidhi Samatar.

Ugu Dambayntii Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in loo baahanyahay in Xisbiga KULMIYE kor u qaadis lagu sameeyo, waxaanu xusay inuu hadda yahay Xisbiga KULMIYE mid naafo ah ..“ haddii uu noqdo Xisbigu jaran-jaro yar oo lagu gaadho kursi haddii ay noqoto, dabadeetana la iska tuuro jaranjaraadaa, Xisbiguna wuu khaayisi ummaddana khasaare weyn ayaa kasoo gaadhi , dadkii uu Xisbigu horkacay ee uu u baaqayna qalbi jab weyn ayaa ku dhacaya, markaa Xisbiga laf ahaantiisa KULMIYE waxa loo baahanyahay in aan halkaas uun sidii waraaq la iska dhigine dib loo soo nooleeyo, annigu golaha dhexe ee KULMIYE ayaan kamid ahay ilaa iminka nalooma yeedhin goor loo yeedhin doona annigu garan maayo, Markaa Xisbiga laf ahaantiisa waxaad moodaa inuu naafaysan yahay in kor loo soo qaado ayuu u baahanyahay,”

Source: Wargeyska Waaberi

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.