“Waxaan Diyaar U Ahay In Aanu Madaxweyne Toos U Wada Hadalno,”

0
261 views
“Waxaan Diyaar U Ahay In Aanu Madaxweyne Toos U Wada Hadalno,”

“Waxaan Diyaar U Ahay In Aanu Madaxweyne Toos U Wada Hadalno,”

Hargeysa(Sayruuq) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay wada hadal toos u dhex mara madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku saabsan sidii loo bedeli lahaa guddida doorashooyinka Qaranka.

Xisbiga Waddani ayaa hore u iclaamiyay in uu kalsoonida kala laabtay guddida doorashada ee qabatay doorashadii 2017 waxaana arrintan sii adkeeyay Dr Cirro. Waxa aan wali dhaqaaqin dhexdhexaadin ay madaxweynaha iyo Cirro ka dhex wadday Akademiyadda Nabadda Somaliland.

Akademiyadda nabadda oo is xilqaamay madaxweynahana u tagay anagana noo yimid oo yidhi ‘ madaxweynuhu wuxuu ogol yahay arrinta bedelka Komishanka, marka kalsoonidii waanu siinay hase yeeshee ilaa hadda wax midho ahi kama soo bixin,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

Waxa kale oo uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu madaxweynaha kala hadlo arrimahan oo dib u dhigi kara doorashooyinka soo socda “Anigu doorasho diyaar baanu u nahay haddii la qabanayo, si arrintaas loo soo afjaro anigu guddoomiye ahaan waxaan diyaar u ahay in aanu madaxweynaha toos u wada hadalno oo arrintaas ka wada hadalno,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in aanay waxba kala socon dhammaan hawlaha ku saabsan doorashooyinka ee socda maaddaama aanay xisbi ahaan ogolayn dhammaan shaqooyinka ay wadaan guddida doorashada waxaanay tani salka ku haysa farsamo xumo xisbigu ka tirsaday doorashadii madaxtooyada oo uu ku sheegay mid lagaga shubtay.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.