“Waxa La Yidhi ‘Habar Awal Ayaa Guddoomiye Saleebaan Ridaysa,” Xildhibaan Dayib

0
387 views
“Waxa La Yidhi ‘Habar Awal Ayaa Guddoomiye Saleebaan Ridaysa,” Xildhibaan Dayib

“Waxa La Yidhi ‘Habar Awal Ayaa Guddoomiye Saleebaan Ridaysa,” Xildhibaan Dayib

Hargeysa(Sayruuq) Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland waxa uu sheegay in aanu goluhu wadin arrin xil ka qaadis ah kadib markii dood kululaatay Dorraad ka dhalatay fadhigii golaha oo la isku seegay xeer hoosaadka oo wax la bedelayay oo guddida joogtada ahi ku dartay ajandaha laakiin, shir guddoonku ka reebay.

Warbaahinta ayaa si weyn u qaada dhigtay in isbedelka lagu samaynayo xeer hoosaadku dhabaha u xaadhayo xilka qaadis lagu sameeyo guddoomiyaha guurtida oo ay hoggaamintiisa saluugsan yihiin waxaana la soo bandhigay magacyada xildhibaanno dabada ka riixaya jidka xilka lagaga tuurayo guddoomiye Saleebaan.

Hase ahaatee Xildhibaan Dayib oo maanta saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in arrinta jirta tahay xeer hoosaadka oo ajandaha laga reebay laakiin, aanay jirin mooshin laga keenay guddoomiyaha. Waxa uu sheegay in si gaar ah loogu dhigay warka in beesha Habar Awal xildhibaannadoodu ku hawlan yihiin bedelka Saleebaan taas oo uu beeniyay in ay jirto.

Mar la waydiiyay in khilaaf shir guddoonka iyo mudaneyaasha qaarkood u dhexeeya jiro wuxuu ku dooday in aanu khilaaf jirin laakiin, waxa uu yidhi “Wixii golahayagu tabanayo ee aanu shirguddoonkayaga kala tabanayna waa hawl anaga noo taalla oo aanu isaga u sheegayno.”

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.