“Waxa La Xasuuqay Culimo Tusbixi Sita,” Wasiir Cateeye

0
614 views
Wasiir Cateeye oo Qeexay Xorriyadda Somaliland ka Jirta

“Waxa La Xasuuqay Culimo Tusbixi Sita,” Wasiir Cateeye

Wasiirka caddaaladda Somaliland mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa ballanqaaday in wasaaraddiisu si buuxda uga shaqayn doonto sidii sharciga loola tiigsan lahaa cid kasta oo ku lug lahaa xasuuqii loo gaystay bulshada Somaliland sanadihii 1988. Wasiirka oo hadal ka jeedinayay kulan lagu naaqishayay saamaynta uu Somaliland ku yeeshay xasuuqii nidaamkii Siyaad Barre waxa uu sheegay in ay cid walba caddaaladda la tiigsan doonan.

Wasiir Caateeye wuxuu sheegay in muuqaallada kulanka lagu soo bandhigay laga dhex arkayay dad culimo ahaa oo iyaga oo tusbaxii sita la laayay laguna aasay xabaalo wadareedyada “Waxaynu halkan ku wadaagnay xasuus lama ilaawaan ah iyo caddaymo muujinaya xasuuqii, idinka oo arkayay wixii ay soo bandhigeen guddida xasuuqa oo dad shuyuukh ahaa oo ilaa tusbaxyadoodii iyo waxoodii sita la aasay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Caateeye.

Wasiirku wuxuu sheegay in wasaaraddiisu qaadanayso doorkeeda caddaalad horkeenida dadkii falalkaasi ku lug lahaa “Haddii aanu wasaaradda caddaaladda nahay waxa nooga bannaan in aanu cid kasta oo dhibtan gaysatay in aanu maxkamad la doonano mid gacanteenu gaadhayso iyo mid aanay gaadhaynba,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.