“Waxa Dib Loo Dooranaya Abiy Axmed,” Mustafe Cagjar

0
637 views
“Waxa Dib Loo Dooranaya Abiy Axmed,” Mustafe Cagjar

“Waxa Dib Loo Dooranaya Abiy Axmed,” Mustafe Cagjar
Madaxweynaha gobolka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) waxa uu sheegay in la filayo in xisbiga isbahaysiga talada Itoobiya haya dib u doorto ra’isal wasaare Abiy Axmed oo hore guddoomiyaha xisbiga loogu dhiibay. Shirweynaha xisbiga EPRDF ayaa ka socda magaalo madaxda gobolka bulshooyinka koonfureed ee Hawasa waxaana ka qayb galaya ergo ku siman 1000.

Waxa lagu tilmaamay kulankii ugu horeeyay 27 sanno ee xisbigu qabsado oo si weyn loogu gorgortamayo, islamarkaana danaha kala qaybsan ee afarta xisbi ee ku bahaysan EPRDF. Waxa shirka la qabtay markii afarta xisbi ee Oromada. Axmaarada, Tigrayga iyo bulshooyinka koonfurtu soo qabsadeen shirar hoggaankooda wax lagaga bedelay. Xisbiga Oromada ayaa dib u doortay Abiy Axmed oo guddoomiye u ahaa.

Madaxweynaha gobolka Soomaalida Mustafe Cagjar oo dib u habaynta gobolka ku hawlan waxa uu sheegay in xisbiga Soomaalidu ku biirayo isbahaysiga maaddaama gobolka Soomaalidu yahay kan dhul ahaan ugu weyn Itoobiya, islamarkaana qoomiyadda saddexaad ee ugu badan Itoobiya Soomaalidu tahay.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.