“Wax Dheeraad Ah Oo Ay Sidato Beesha Dhexe Oo Golaha Wakiillada Ahi Ma Jirto,” Cabdillaahi Jawaan

0
403 views
“Wax Dheeraad Ah Oo Ay Sidato Beesha Dhexe Oo Golaha Wakiillada Ahi Ma Jirto,” Cabdillaahi Jawaan

“Wax Dheeraad Ah Oo Ay Sidato Beesha Dhexe Oo Golaha Wakiillada Ahi Ma Jirto,” Cabdillaahi Jawaan
Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa ka hadlay tabashada saami qaybsida ee Beelaha darafyada, ee Doorashada Golaha Wakiilada, iyo Kootada loo qoondeeyey Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay, waxaanu xusay in aanay suurtagal ahayn in saami qaybsi wakhtigan la sameeyo, Kootana loo qoondeeyo Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay.
Mudane Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Shirka Ceel-afweyn iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Qof waliba si buu wax u arkaa, maalin dhawayd waxaan daawanayey Prof:Axmed Ismaaciil Samatar Iyo nin kale oo ka hadlaayey Boorama, oo lahaa si cadaalada waxba looma qaybsan, had iyo goor waxa carrabka lala dhacaa Beesha Dhexe, wax dheeraad ah oo ay sidato Beesha Dhexe oo Golaha Wakiilada ahi ma jirto, Golaha Wakiiladu wuxuu ku saleeysan yahay 33 kursi ee 1960 ee ahaa 2.5, sidaas ayuu Kursi waliba maanta u joogaa, wey jiraan in meelaha qaarkood aanay helin kuraastii ay xaqa u lahaayeen gaar ahaa Gobolka Sool, oo kuraastii ay heli lahaayeen ee Golaha Wakiilada waxbaa ka maqan, taas Somaliland may sameeyan, laakiin dadka deegaankaas ayaa sameeyey oo Doorashadii diiday, oo heshiiskii iyo nidaamkii Doorashada, iyaga ayaa diiday, oo yidhi geli mayno, waxyar baa ka galay.”
Mudane Cabdillaahi Jawaan, oo ka hadlaya sababaha keenay in gobalka Sool uu waayo saamigii uu ku yeelan lahaa golaha wakiillada oo sax ah, ayaa yidhi, “Komishankii ugu horeeyey ee Doorashada, oo aan ka mid ahaa aniga, ayaaba gacanta ku haynay, markaas waxaanu isla garanay waxan la yidhaahdo is xanbaarka, oo Rag aan la soo dooran oo liis lagu soo qoray, inay mataalan, dadkii aanay deegaanadooda Doorashadu ka dhicin, Sool iyo Sanaag Barri, oo Sanaag Barri, Doorashadu wey ka dhacday. Laakiin in Sool, waxaa la isla garay in dad Wakiil ka ah dadka Deegaankaas golaha lagu soo daro.
Markaas Gobolkan Sool waxa ka maqan dad badan oo miisaankooda leh, marka loo eego 1960, arintana Beesha Dhexe kumay sameyn, cid kalena kumay samayn, ee is afgaran waagii iyo diidmada aanay berigaas doorashada aanay caadi u galin ayaa keentay. Imikana haddii ay doorashadii caadi u galaan, waxaan filayaa inay helayaan waxay doonayaan.”
Waxa kale oo uu siyaasi Cabdillaahi Jawaan ka hadlay, in doorashada Somaliland aanay ku salaysnayn qaabka ah saamiqaybsi dhinaca qabiilka ah, balse ay ku salaysantahay goballo, isaga oo arrintaas sharraxayana waxa uu yidhi, “Asal ahaan doorashadu waxa ay ku saleeysantahay qabiil ma’aha, waa goballo. Waxa ay doorashadu ku saleeysan tahay lixdii degmo ee uu Ingiriisk u tagay. Lixdaas degmo ayaa lix Gobol loo bedelay, sidaas ayaa Doorashada lagu qabtay” ayaa uu yidhi, isaga oo ka hadlaya, taladiisa ku aaddan xaaladda saamiqaybsiga ee hadda jirta iyo doorashada gelitaankeedana waxa uu intaas ku sii daray, “Aniguna waxaan ku talin lahaa in inta la helayo tirikoob sax ah in Doorashada sidii hore lagu galo”.
Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Gobolka Maroodi-jeex ayaa yidhi “Gobolka Maroodijeex qof walba uu iska sharixi karaa, laakiin waa Gobolka dulmiga ugu badan saaran yahay, sababtoo ah ninka lix kun oo cod keenay ayaa cod waayey, tusaale Wali Axmed Xaawa, oo Khadar Amasadoor bedelay, codkiisu wuxuu ahaa lix kun oo wax yar dhiman, haddana uu waayey kursigii, wuxuu ahaa sugaha kowaad ee Xisbiga UCID. Khadar Amasadoor markii uu is casilay, ayuu Barlamaanka soo galay Wali Axmed Xaawa.
Markaas cida ugu dulman, ee kuraas badani ka maqan yihiin haddii dadka loo qaybiyo, waa Caasimadda iyo Gobolka Maroodijeex, haddana qaylada waa lagaga badan yahay. Markaas meelna yaanay qaylinine, ee aynu iimaansano oo salka aynu arintan u dhigno. Nin cid bariis siinayaa cid kale ma jirto, ee ninka Barlamaanka galaa, ee reer, qoys iyo qabiilna, midna wax siin maayo, Sharciyada ay dajinayaana waa Sharciyo dalka oo dhan khuseeya. Waana Sharci qaranka oo dhan ka dhexeeya, ee Sharci u gaar ah Boorama, Saylaca, Burco, Laascanood, Berbera, Ceerigaabo iyo Hargeysa ma sameeynayaan”.
Mar uu ka hadlaayey sida la iskugu af gartay in Doorashada Wakiilada lagu galo sidii hore ayaa yidhi “33 kursi ee 1960 kii; Hargeysi todoba ay lahaan jirtay, Burco waxay lahaan jirtay lix kursi, afarta kalena wey sinaayeen oo mid waliba shan bay lahayd, muran kamuu jiri jirin, waxaana sidan lagu galay Doorashada 1960, axa lagu galay Doorashadii 1964, waxa lagu galay Doorashadii 1969. Burco markii la joogayna (Shirkii Burco ee 1991 kii), Cali Khaliif Galaydh ayaa soo jeediyey in sidaas waxa lagu qaybsado, Somaliland baa la aasaasay, waana la isla qaatay, in inta tirikoob la sameeynayo in sidaas hore lagu galana Cali Khaliif Galaydh ayaa soo jeediyey. ALLE ha u naxariiste Cali Faarax Dacar (Gargaar) waa uu ku raacay, si cad iyo sacab ayuu Golihii ku qaatay, sidaas ayuuna ku saleeysan yahay Barlamaanka fadhiya”.
Mar uu ka hadlaayey Kootada loo qoondeeyey Haweenka iyo Beelaha la hayb sooco ayaa yidhi “Waa tii maalin dhawayd Xukuumaddu gudbisay in wax loo qoondeeyo Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay, Caalamkana cid meel wax loo dhigo, ama cidaas waa laga badan yahay ee kursigaas ha loo dhgo ma jirto. Laakiin dadka codka laga helay, waa inay xuquuqdoo helaan oo aanay waayin, dadka ka helayna, waa inay si siman ugu shaqeeyaan dadka. Laakiin Haweenku waa tirada ugu badan dadka, tusaale ahaan Mareykanku naxariis iskumu galin oo Hillary Clinton waxay la tartamaysay Trump, ee lama odhan Hillary Clinton, waa haweenay ee ha loo naariisto. Barlamaankana la iskuma naxariisto, meel walbana inanka iyo inantu wey tartamayaan, anagu markii aanu Komishanka ahayn, nin aqoonyahan ah oo imika Safiir Hindiya uga ah dalkiisa, oo naloo soo kireeyey, ayaanu nagu Dastuurka iyo Xeerka Doorashooyinka nagala soo tali, I siiya ayuu yidhi, markii aanu siinay, wuxuu yidhi haddii aydaan bedelin Dasuurkiina Xeerka Doorashada, oo aad isku daydaan inaad badashan, waxaad meel kaga dhacaysaan xuquuqda muwaadiniintiina, wuxuuna tilmaamay in Doorashada rag iyo haweenba loo siman yahay. Wuxuu yidhi haddii la doonayo in haweenka iyo dadka laga tirada badan waa inay Xisbiyadu sameeyaan liis oo ay ku soo daraan Musharixiintooda, laakiin qoodo loo sameeyaa Dastuurkiina iyo sharcigii Doorashada ay lid ku tahay buu yidhi. Doorahadii hore qabiil laguma galin ee Xisbiyo ayaa lagu galay, madaama aan Doorashada waayo-arag ku ahay, waxaan ku talin lahaa in Xisbiyada laga daayo, in dadka ay soo xulayaan ay qabiilku u soo xulaan, oo reer baa odhanaya hebel baanu soo saarnay.
Si aanay Xisbiyadu u baabin awooda xulashada dadka la sharaxayo waa in Xisbiyada loo daaya, markaas buu Xisbiyadu qiimo yeelanayaan, oo qabyaaladu yaraysaa, is aragii iyo is toocsigii dadka ayaa yaraanaya, oo tartan xalaal ah ayaa la gali sidii hore, laakiin qabiil ayaa imika dib loogu noqday, oo reer walba wuxuu leeyahay hebel baanu soo saarnay, taasina waa xaaran, Dimuqraadiyada waa ku xaaran in qabiil wax lagu soo xulo, ee Xisbiyada awooda xulashada musharaxiinta dib ha loogu celiyo, ee Xukuumadda iyo Golayaasha Sharci dejintaba waxaan leeyahay, waa in Xisbiyadu Musharixiintooda ku soo darsadaan Haween iyo Beelaha laga tiradan badan yahay, haddii ay noqoto Doorasho Barlamaan iyo Doorasho Deegaanba”.
Mar uu ka hadlaayey Saamiga Xukuumadda ayaa yidhi “Saamiga Xukuumadda, waxa ku shaqo leh Madaxweynaha hadba la doorto, qabiilba waxa lagu qaybiyo, ee waa in cadaalad wax loo qaybiyo, haddii cadaalada la dhawrana cid waliba wax bay helaysaa”.
Cabdilaahi Jawaan mar uu baaq u diraayey Xukuumadda iyo Xisbiyada ayaa yidhi “Waxaanu ku jirnaa marxalad adag, oo Adduunka iyo Geeska Afrikaba ay ka socdaan is bedelo xawliya, aada ku socda, is bedelkaas xaawliga ku socdaana wuxuu leeyahay feejignaantiisa, taxadirkiisa iyo in la adkeeyo isku duubnaanteena qaranimo, Xukuumadda haddii ay tahay, Mucaaradka haddii ay tahay, Muxaafidka haddii ay tahay, iyo umadda reer Somaliland haddii ay tahay, inaynu is midayno ayaa loo baahan yahay, Siyaasad ahaana yeynaan cidla ka taagnaan dabaylaha iyo is bedeladaas dhacaya, wixii ugu haboona waa inaynu la jaanqaadna, oo aynu doorkeena ka qaadana, sidaas ayaana u soo jeedinayaa Xukuumadda, Xisbiyada, Golayaasha iyo Shacabkaba”.
Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Shirka Ceel-afweyn ayaa yidhi “Shirkaas sida wanaagsan ee Culimadu gacanta ugu hayso waxaan rajaynayaa in lagu guulaysan doono, oo waddadii ay Somaliland xalka ku gaadhi jirtay ayuu hayaa, khalad uu dhacaa, laakiin haddii uu garawshiiyo yimid oo labadii dhinacba garawshiiyo muujiyeen,guul buu ku dhammaan doonaa,maantana intii umadda ugu mudnayd, ama ugu aqoon roonayd, gaar ahaan Culimada Diinta, ee gacanta ku haya, ee yidhi Shareecada Diinta islaamka baanu ku saleeynaynaa go;aanadayda, Shirkani wanaag, is afgarasho iyo is aqbalaad, buu ku dhammaan doonaa insha allaah, iyo nabad waarta oo labada beelood ee walaalaha ku wada nooladan, Xukuumaddana waxaan ku bogaadinayaa oo aan uga mahadnaqayaa talaabada ay qaaday ee ay ku ka faalo qaadatay 30 caruura ee agoonta ah, waxaan kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa Odayga la yimid go’aanka milgaha iyo sharafta leh, ee uu ku saamaxay imanadiisa la dilay, ifkana sharaf iyo wanaag buu ka kasbaday, akhirana insha allaah jano iyo maca rasuulka ayaanu ugu ducaynaynaa”.
Geeska Afrika

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.