Wasiirrada Ciyaaraha Iyo Maaliyadda Oo Iskhilaafay

0
81 views
Wasiirrada Ciyaaraha Iyo Maaliyadda Oo Iskhilaafay

Wasiirrada Ciyaaraha Iyo Maaliyadda Oo Iskhilaafay

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Mudane Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in aanay soconayn in wasiirka maaliyaddu kala diro kooxdii kubadda cagta ee u ciyaari jiray wasaaradda. Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib markii ay dhawaan soo shaac baxday in wasiirku kooxdii ku ciyaari jirtay magaca wasaaradda maaliyadda kala diray.

Arrintaasi maaha mid waafaqsan xeerkii xisbiga oo lagu qoray in dhalinyarada la taageero, oo waliba Madaxweyne Muuse waa mudnaantiisa koobaad, isagii oo Mo Faarax la ordaya ayaad arkayseen taasna waxay muujinaysa dhiirigelinta uu dhalinyarada u hayo. Wax lagu tabco oo dhalinyaro ka wanaagsan ma jiraan, anaga, madaxweynaha iyo siyaasadda xisbigaba waa muhiimadda koobaad, arrimaha dhalinyarada wax lagu sii daro mooyaane wax laga xumaynaya ma jiraan,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka ciyaaraha.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi caariyay “Naadiyo la kordhiyo ayaanu ku talo jirna walina wadna, wasaaradihii iyo ciidamadii naadiyada hore u laha in ay sii hagaajiyaan oo sii taageeran mooyaane wax la baabi’inayo oo aanu ognahay ma jirto siyaasadda Waddankana ma waafaqsana.”

Wasiirka ciyaaruhu wuxuu sheegay in ay arrintan isku fahmi la yihiin wasiirka maaliyadda ee kala diray naadigii wasaaraddiisa “ Isfahan waa(misunderstanding) waa dhacaya oo wax walba waa dhacayaan laakiin, aniga ku hadlaya magacii wasiirka ciyaaraha, marka naadi aanu ka maarmaynana maaha, naadi la baabi’inayana maaha,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Boos.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanay arrintan wali gaadhsiin Madaxweynaha laakiin, ay labada wasaaradood iska arkeen, islamarkaana aanay wasaaradna ka ogolaan doonin in ay kala dirto naadigooda kuwa aan lahayna ay doonayaan in ay samaystaan kooxo u ciyaara.

 

Wasiir Madaxweynaha U Sheegay In Aanay Shaqadooda Ka Adkayn

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.