Wasiirkii Labaad Oo Iska Casilay Xukumadda Ingiriiska

0
309 views
Wasiirkii Labaad Oo Iska Casilay Xukumadda Ingiriiska

Wasiirkii Labaad Oo Iska Casilay Xukumadda Ingiriiska

Saacado gudahood ayaa wasiirkii labaad iska casilay xukumadda ra’isal wasaare Theresa May waxaanay ku lug leedahay qalalaase hor leh oo ay xukumadda Ingiriisku gashay kaas oo salka ku haya ka bixitaanka Ingiriiska ee Midawga Yurub.

Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska Mr Boris Johnson ayaa iscasilay saacado uun kadib markii uu iscasilay wasiirkii ka bixitaanka Yurub u qaabilsana xukumadda Ingiriiska Mr David Davis waxaana taasi lagu macneeyay in ay mushkilad ku tahay istaraatijiyada ka bixitaanka Yurub, islamarkaana wasiirradan sare ee meesha ka baxay eber ka dhigayaan awoodda ra’isal wasaare Theresa May.

Madaxtooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in ay uga mahadcelinayso Mr Johnson shaqadiisa si degdeg ahna loo buuxin doono booskiisa.

Source:Boris Johnson quits to add to pressure on May over Brexit

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.