Wasiirka Waxbarashada Oo Digniin Ka Soo Saaray Dhul Wasaaraddu Dawladda Hoose Siisay Oo Dad Gaar Ahi Dhisinayaan

0
385 views
Hoos U Dhac Weyn Ku Yimid Waxbrashada Dowladda+Daryeel La'aan ka muuqata dugisa cabdi iidaan

Wasiirka Waxbarashada Oo Digniin Ka Soo Saaray Dhul Wasaaraddu Dawladda Hoose Siisay Oo Dad Gaar Ahi Dhisinayaan
Hargeysa (Sayruuq) Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada iyo sayniska Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay dhul ku yaalla iskuulka Maxamuud Axmed Cali, kaasi oo ay wasaaraddu bixisay ka dib markii laga dalbaday in xarun damdamis laga dhigayo , balse laga leexiyey ujeedadaasi hore lagana bilaabay dhismayaal dad gaar ahi ay leeyihii oo bakhaaro ah.
Wasiirka ayaa ka biyo diiday qorshaasi, waxaanu sheegay in aan wixii lagu weydiistay dhulkaasi oo baahi weyn loo qabay aanay suuro gal ahayn in dano gaar ah looga faa’iidayso waxaanay u dhigan tahay warqad uu soo saaray sidan soo socota:-

Ujeedo: Ogolaassho Dhismaha Dhismaha Xarun Dabdamiska

Wasaaradda wax-barashada iyo Saynisku waxay siisay Ciidanka Damdamiska dhul cabirkiisu yahay 48MX30M, kaasi oo wasaaraddu baahi weyn ay u qabtay, ka dib markii culays iyo baahi weyn ay u sheegteen Maamulka Dowlada Hoose ee Hargeysa iyo Odayaasha deegaanka, Waxa aanu ku wareejinay dhulkaasi si looga dhigo Xarunta Damdamiska ee Xaafada Maxamuud Haybe .

Haddaba waxa soo baxday in dhulkii qaybo kamid ah looga faa’iidaysanayo dano shakhsi ah si looga dhigo maherado ganacsi oo ka madax bannaan xarunta Dabdamiska, sidaasi daradeed si danta guud iyo danta shaqsiyadeed loo kala saaro, loona ogaado xaqiiqada dhabta ah ee loo isticmaalayo dhulkaasi wasaaraddu bixisay, waxaanu ogaysiinaynaa masuuliyiinta ay warqadani ku socoto in dhulkaas ay wasaaraddu bixisay kaliya loo isticmaalo dabdamis .” Ayaa lagu yidhi Warqada kasoo baxday wasaarada Wax-barashada oo uu ku saxeexnaa wasiir Faratoon.

Warqaddan oo uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof Yaasiin waxa lagu socodsiiyay Maayarka Caasimadda Hargeysa iyo taliyaha ciidanka Dabdamiska waxaana la ogaysiiyay taliyaha ciidamada booliska, xeer ilaaliyaha guud, badhasaabka Maroodijeex, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka hawlaha guud iyo madaxweynaha JSL.

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.